CABAYS.COM
Ciidmada Boobay Hantidii Taalay Xerada Tababarka Ciidmada Imaaraadka Ee Jen. Gordan
April 16, 2018 - Written by Cabays

CabaysCabays Media (Muqdisho – Soomaaliya) – Xerada tababarka Imaaraadka Jeneral . Gordan ee ku tiilay degmada Hodan ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta ka dhacay boob lagula kacay agabkii yiilay ee loo adeegsanayey tababarka ciidamada Soomaaliya.

Falkan ayaa dhacay wax yar ka dib markii ay dalka ka dhoofeen Saraakiisha tababarayaasha Imaaraadka Carabta ee ku sugnaa Xeradaas, iyagoo dalkooda dib ugu laabtay ka dib markii uu xumaaday xiriirkii Soomaaliya iyo Imaaraadka.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan kuwiii ay horay u tababareen Imaaraadka ay ka war heleen bixitaanka Saraakiisha Imaaraadka, isla markaana ay bilaabeen in ay boobaan agab ay lahaayeen Saraakiisha Imaaraadka, sida Gaadiid ciidan, qalabkii tababarka iyo qalab kale kale.

Goob joogayaal ku sugan nawaaxiga Xarunta Tababarka ayaa waxay sheegeen in ay arkayeen Ciidamo wata agabkii ay ka tageen Saraakiisha Imaaraadka ee ku sugnaa Xaruntaas.

Saraakiil Soomaali ah ayaa sheegaya in saraakisha Imaaraadka ay qalabkii muhiimka ahaa kala baxeen xeradaas, lana geeyey xarenta Safaarada Imaaraadka Carabta oo ku tiilay degmada C/casiis, iyadoo arintana ay timid xili war ka soo baxay xalay dowlada imaaraadku ay sheegtay in la joojiyey gebi ahaan tababarkii ay siin  jireen ciidamada dowlada Somalia.

Tallaabada ay Muqdisho kaga baxeen Saraakiisha Imaaradka ee ku sugnaa Muqdisho ayaa ku soo aadeysa xili sidoo kale maalmo ka hor ay ka baxeen xero ay ku tababarayeen Ciidamada Badda Puntland oo ku taalla Boosaaso.

War-Saxaafadeed ay maanta soo saartay dowlada Somalia waxay ku beenisay inuu xumaaday xiriirkii u dhaxeeyey Soomaaliya iyo Imaaraadka, iyadoo sheegtay inuu bilowday wadahadal u dhaxeeya labada dhinac oo lagu soo afjarayo xiisadii ka dhex dhalatay.

COMMENTS