CABAYS.COM
Ciyaaryahan Maxamed Salaax Oo Loo Aqoonsaday Inuu Kamid Yahay Boqolka Qof Ee Ugu Saamaynta Badan Caalamka Wakhtigan
April 20, 2019 - Written by Cabays

London (Cabays Media)- Weeraryahanka kooxda Liverpool, Maxamed Salaax, ayaa sheegay in ragga ay “dhaqanka wadaagaan iyo kuwa Bariga Dhexe” looga baahan yahay inay si xushmad dheeraad ah leh ula dhaqmaan dumarka, xilli uu laacibkan ka mid noqday boqolka qof ee ugu saamaynta badan caalamka ee ay soo xulatay jariirada Time. Laacibkan 26 jirka ah ee Masar u dhashay, ahna nin si wanaagsan ugu dhaqma diinta Islaamka, ayaa kamid ahaa lixda qof ee sawirradooda lagu daabacay bogga hore ee jariiraddaasi Maraykanka ka soo baxda, waxaana waraysigii lala

Waxaa Salaax liiskaasi ku wehliya dad caan ah oo ay ka mid yihiin madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, ra’iisal wasaaraha Pakistan Imran Khan, asaasaha Facebook Mark Zuckerberg, xaaska madaxweynihii hore ee Maraykanka Michelle Obama iyo fanaaniinta kala ah Ariana Grande iyo Lady Gaga.

Dadka ku soo baxay liiskan ayaa loo kala qeybiyay shakhiyaad horseed ah, fanaaniin, hogaamiyayaal, kuwo caanbaxay iyo shakhsiyaad aad muhiim u ah oo ka mid yahay Maxamed Salaax.

John Oliver oo ah majaajileyste u dhashay Ingiriiska daadihiyana barnaamijka Last Week Tonight isla markaana taageero weyn u ah kooxda Liverpool ayaa maqaal kooban oo uu uga hadlayo Salaax u qoray jariirada.

Maxamed Salaax ayaa Juun 2017 Liverpool uga soo biiray kooxda Roma, waxaana xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay uu kooxdaasi u dhaliyay 44 gool.

Xilli ciyaareedkan oo ay Liverpool dadaal weyn ugu jirto hanashada horyaalka Ingiriiska markii ugu horreysay tan iyo 1990, ayaa Salaax waxa uu dhaliyay 19 gool oo Premier league-ga ah.

Shanta qof ee bogga hore ku wehlisa Salaax ayaa kala ah fanaanada Taylor Swift, jilaayaasha kala ah Dwayne Johnson iyo Sandra Oh, weriyaha Maraykanka ah ee Gayle King iyo afhayeenka aqalka wakiillada Maraykanka Nancy Pelosi.

Salaax ayaa kamid ah saddex xiddig oo caalami ah oo dheela ciyaaraha kala kuwan, waxaana labada kale ay kala yihiin Caster Semenya oo u dhalatay Koonfur Afrika laba goorna qaaday horyaalka orodka sideeda boqol ee mitir ee Olimbikada iyo gabadha kaalinta koobaad kaga jirta tennis-ka ee Naomi Osaka oo u dhalatay Japan.

Laacibiinta kale ee liiska ku jira balse u dhashay Maraykanka ayaa kala ah LeBron James oo caan ku ah kubadda kolayga ee NBA, Tiger Woods oo golf-ga dheela iyo laacibka kubadda cagta ee Alex Morgan.

COMMENTS