CABAYS.COM
Codaynta Dorashad Madaxtooyada JSL oo si habsami u socota
November 13, 2017 - Written by Cabays

CabaysCabays Media:  Kumanaan dadweynaha JSl ayaa u dareeray codaynta doorashada madaxtooyada oo saaka tdii arooryo albaabada loo furay goobaha cocdaynta ka badan 1600 oo goobood. Dadweynaha ayaa galay saaka salaadii safaf dhaadheer si ay codkooga hore ugu dhiibtaan. Goob walba oo cod laga dhiibanayo waxa ugu badnaan ka codaynaya saddex boqol oo codeeyayaal ah.

Goobaha codaynta ayaa waxa ku sugan goobjoogayaal ka kooban saddexda xisbi oo mid walba lee yahay laba goob jooge, sidoo kale waxa kor meeraya kormeerayaal caalami ah iyo kuwo xisbiyada oo eegaya habsami u socodka doorashada.

Doorashadan ayaa mudo 21 maal mood oo hirdan loolaan iyo isku soo baxyo ay ku muujinayaan xisbigii awooda taageero leh ay ku soo bandhigayeen fagaarayaal kala duwan oo dalkoo dhan ah. Mudadii uu ololuhu socday lama sheegin wax dhib ah oo sidaa u weyn oo ka dhashay isku soo baxyadii ololaha xisbiyada.

Doorashadan oo ah tii 3aad ee dadku toos u soo doortaan madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ilaa iyo sanadkii 2003di, inkastoo doorashadu dib u dhacday dhawr jeer.

Doorashada maanta ayaa dadku ku jiraan jawi degan oo ay aayar codkooda dhiibanayaan. Mana jiro ilaa hadda wax dhib ah oo laga soo sheegayo goobaha kala duwan ee codayntu ka dhacayso.

Madaxweyne Siilaanyo, musharaxiinta saddexda xisbi ayaa ka kala codeeyey magaalooyinka Hargeysa iyo Boorame oo ay ku kala sugan yihiin.

Ilaa maanta fiidka ayaa la xidhayaa goobaha codaynta, gaadiidka gaarka loo lee yahay iyo kuwa dawlada aya iyaguna la joojiyey ilaa iyo mudada ay doorashadu socoto, marka laga reebo gaadiidka ka soo galaya xuduuda Somaliland iyo Itoobiya oo dad badan oo Reer Somaliland ahi ay ka so ogubayaan si ay codkooda u dhiibtaan.

Dadweynaha Caasiamda oo kuyuu dheer ku jira

Dadweynaha Caasiamda oo kuyuu dheer ku jira

Hase ahaatee doorashadan ayaa ah mid loolankeedu adag yahay oo la isku adeegsaday wax-kastoo sharcigu ogol yahay,  suugaan iyi ilaa qasaa’id xisbiyada qaar loogu ololeeyey.

Jawiga doorashada ayaa aad u degan, mana jiro wax dhib ah oo ilaa hadda la sheegayo, marka laha yimaad dadka qaar oo ka cabanaya in goobaha qaar hawl wadeenada goobaha codbixinti aanay gacan fududayn.

 

Halkan hoode ka daawo warbixin dheer oo ku sabsan sida ay dhacday.

 

La soco warbixinta doorashada oo ilaa hadda socota.

 

COMMENTS