CABAYS.COM
Colaadda Ceel-afweyn Waxa Laga Faa’idayaa Car-caraaf Ifka Ah Iyo Cadaab Aakhiro,Dadkaasi Waa Dad Isku Noola Oo Aanay U Kala Soocnayn Dhiiga,Dhulka, Iyo Dhaqanku.
May 10, 2018 - Written by Cabays

Waxaan halkan ka tacsiyadaynayaa qoysaskii iyo qaraabadii ay ka geeriyoodeen dadkii ku dhintay shaqaaqadii ka dhacay magaalada Ceel-afweyn iyo deegaanka Dhidinka shalayto, waxaan ILLAAHAY uga baryaynaa dadkaasi dhintay inuu u naxariisto kuwa dhaawaca ahna uu shaafiyo,waxaan ugu baaqayaa dadka ku dhaqan deegaanada Ceel-afweyn ee walaalaha ah ee dhibaatadani u dhaxayso inay colaada joojiyaan inay nabad galyadda dhexdooda ah ay adkeeyaan caqliga wanaagsanina uu shaqeeyo.
Colaada deegaanada Ceel-afweyn wax aan caqiibo darro ahayn laga faa’idi maayo,waxa laga faa’idayaa car-caraaf ifka ah iyo cadaab aakhiro,dadkaasi waa dad walaalo ah maanta is dhiig talaalaya waa dad isku nool ah,waa dad aanay u kala soocnayn dhiiga iyo dhulka iyo dhaqanka waxa looga dhacayaa uun ceeb se’ xarrago laga heli maayo waxaan leeyahay walalayaal ILLAAHAY ka cabsada nabad gelyadana ilaaliya colaadana iska joojiya dantiinaa ku jirtee.
Nabad-galyo darrada iyo shaqaaqooyinka ka jira deegaanadaasi idinkana waa idinku dhibaato qarankana waa ku dhibaato dhiig-bax ayay qaranka ku tahay,sumcad xumo ayay ku tahay ,nabad gelyadii uu qarankani ku faanaayay ayay dhaawac gaadhsiinaysaa idinkana waa idinku dhibaato oo dad rixima ayaa tihiin,waxaanu leenahay wax idinka maqan oo aan balaayo ahayni ma jirto balana looma yeedho balaayo daaman la qabto ayay leedahay ee dabo la qabto ma leh aynu ku shaqayno inaanay mar danbe dhibaato dhicin ee ay noqoto markii ugu danbaysay.
Waxaan ku bogaadinayaa ciidamada qaranka dadaalkii ay iska xil-saareen guud ahaan amaanka dalka gaar ahaana deeganadaasi amnigooda ilaa shalay dhimashada iyo dhaawaca iyo khasaaraha kalaba intaa wuu ka badan lahaa hadaan ciidamadu shaqaynayn ILLAAHAY khayr haka siiyee,waxaan ugu baaqayaa dadka deegaanadaasi ku nool iyo guud ahaan bulshada reer Somaliland in arrintaas loo gurmado lays garab taago hay’adaha amniga iyo ciidamada nabadda ka shaqaynaya Xukuumadda lala shaqeeyo si mashaqadaas aynu usoo af-jarno.

COMMENTS