CABAYS.COM
Cusmaan C/laahi Cigaal – Cusmaan Hindi oo ku geeriyooday dalka UK
September 18, 2016 - Written by Cabays

 

Cabays

 

Cabays Media:-

 

نَّا للهِ وَإِنَّـا إِلَيْهِ رَاجِعونَ‎‎) Waxa maanta oo Axd ah oo bishu ay ahayd 18/09/2016 magaalada London ku geeriyooday Allah u naxariistee Cusmaan C/laahi Cigaal oo ahaa siyaasi weyn ka tirsanaa xisbigii UDUB ee Somaliland. Marxuunka ayaa intii dambe ahaa ganacsade leh Crown Hotel- oo Hargeysa kuyaal.

Markay saacadu ahayd 11:40 daqiiqo wakhtiga UK waxa ku geeriyooday magaaladda cusbitaalka Royal Free Hospital ee London oo xaqii ugu yimid marxuun Cusmaan Cabdilaahi Cigaal, oo ku magac-dheeraa Cusmaan Hindi.

Waxa uu ahaa siyaasic si weyn u soo baxay xiligii loolankii xisbiyada Kulmiye iyo UDUB oo uu ku caanbaxay xilkii Gudoomiyaha Ololaha UDUB uu ahaa. Xilkaas oo uu qayb weyn u ahaa xisbigii UDUB.
Marxuun Cismaan wuxuu dhashay sanadkii 1958 kii, wuxuuna ku dhashay magaaladda Jigjiga ee caasimada Gobolka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya oo Aabahii ka ahaa ganacsade halkaa deganaa.
Hase ahaatee yaraantiisii wuxuu marxuun Cusmaan Hindi ku barbaaray magaaladda Hargeysa, wuxuuna dugsigiisii sare ku qaatay dugsiga  Faarax Oomaar iyo Dugsiga Sheekh oo markii danbe u wareegay.
Sanadkii 1978 kii ayuu waxbarasho sare u tagaey dalka Sweden oo uu ka qaatay shahaadada Master jaamacadda Lund oo ka mid ah jaamacadaha ugu waa weyn Waqooyiga Yurub, kuna taal ee dalka Sweden. waxa u marxuunku ahaa injineer xaga dhismaha shacbiga (Civil engineering) oo uu ka bartay dalka Sweden.
Sandankii 1984 kii oo uu bilaabmay halgankii adkaa ee SNM oo dalka dibadiisa laga bilaabay wuxuu marxuun Cusmaan Hindi ka furay dalka Sweden xafiiskii ugu horeeyay ee ururka SNM ku yeesho caasimada dalka Sweden ee Stockhom.
Marxuun Eng. Cusmaan sanadkii 1991 waxa uu dalka ku soo laabtay, sanadkii 1993 kiina wuxuu ka mid ahaa ergooyinkii ka qayb gallay shirkii Boorama ee jaaliyada qaarada Yurub ka socday.
Sanadkii 2001 dii ayey magaaladda London ku kulmeen Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ka dib markii madaxweyne Cigaal geeriyooday, waxayna magalada London kuwada diyaariyeen fekerka xisbiga Kulmiye oo markii danbe Hargeysa lagaga dhawaaqay.

Cusman
Intii u dhexaysay 2002 ilaa 2007 dii wuxuu ka mid ahaa madaxda xisbiga Kulmiye isagoo noqday gudoomiyihii xisbiga ee gobolka Hargeysa, xubin guddida fullinta iyo golaha dhexe.
Sannadkii 2007 dii ayey siyaasadda ku kala aragti duwanaadeen gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, wuxuuna sanadkaasina ku biiray xisbigii talada hayay ee UDUB oo uu ka mid noqday madaxda ugu saraysa, wuxuuna noqday madaxii ololaha doorashada xisbiga UDUB.
Markii xisbiga UDUB saaxadda ka baxay marxuun Cusmaan C/laahi Cigaal wuxuu go’aansaday inuu siyaasada dibadda ka joogo, una baydho dhanka ganacsiga.
Wuxuuna qayb ka noqday ganacsatada meelaga ugu caansan Somaliland ee ganacsi ka sameeya Hargeysa.
Marxuun Cusmaan Hindi ayaa ahaa shaqsi aad furfuran, ay ku dheer tahay qadiyada Somaliland, isla markaana aaminsanaa hirgalinta dumuquraadiyad dalka iyo cadaalada.
Wuxuu marxuun Cusmaan Hindi  ifka kaga tagay xaaskiisa Hinda Cabdi Muuse oo aanay wax caruura isku lahayn iyo laba wiil oo la kala yidhaaSharmarke iyo Guuleed oo ay u dhashay gabadh Swedish ah, kuwaas oo ilaa iyo intii uu xanuun dhanka beerka ah u jiifay London si weyn uga war hayey..
Inalilah wa ina ilayhi rajacuun, marxuun Cusmaan C/laahi Cigaal waxa waxa tabi doona bulshada Somaliland, gaar ahaan reer Hargeysa oo uu caan ka ahaa siyaasiyan iyo ganacsi ahaanba.

Dhamaan Cabays Media iyo shaqaalihiisu waxa ay tacsi u diryaan dhamaan Reer C/laahi Cigaal Yusuf iyo inti ay sii dhaleen, waxanan marxuunka uga baryeynaa in uu eebe janatul fardowsa ka waraabiyo, samir iyo iimaana ka siiyo dhamaan.

Cabays Meida

London-UK

 

COMMENTS