CABAYS.COM
Daawo : Qaabka Raysal Wasaaraha Eithobia Loogu Soo Dhoweyey Muqdisho Iyo Ujeedka Safarkiis
June 16, 2018 - Written by Cabays

Muqdisho(Cabays Media) Raysal wasaaraha dalka itoobiya  Dr. Abiy Axmed ayaa gaadhay magaalada muqdisho ee caasimada somaliya iyadoo uu halkaasi ku soo dhoweyey madaxweynaha somaliya maxamed cabdilaahi farmaajo, kedib markii uu ka soo degay diyaaradii uu la socday raysal wasaare  Dr. Abiy Axmed waxa gacan qaaday madaxweyne farmaajo iyagoo u dhaqaqay  barta soo dhoweynta halkaasi oo loo saaray heesta astaanta calanka itoobiya,waxana uu salaan sharaf ka qaatay ciidmada somaliya,intaasi kedib waxa loo gelbiyey xarunta villa somaliya

booqashada raysal wasaare  Dr. Abiy Axmed  ayaa noqon  mid taarikhi ah waxana uu madaxweyna somaliya kala hadli doono arimo ay ka mid yihiin amaanka iyo dhaqaalaha labada dal

Halkan Hoose Ka Daawo Muqaalka 

 

COMMENTS