CABAYS.COM
Dad gaadhay sodon qof oo Buka-Xaamaaram ku laysay Nigeria
June 18, 2018 - Written by Cabays

Cabays Media (Naigeria) Dagaalamayaal loo maleynayo inay katirsan yihiin kooxda Boko Xaaraam ee dalka Nigeria ayaa weeraray magaalada Damboa ee waqooyiga bari ee dalkaasi, u diley dad gaadhay soddon qof.

Saraakiisha laamaha amaanka ee dalkaasi waxaa ay shegeen in lix haween ah oo isa soo midaamiyay ay ku lug lahaayeen weerarka, waxaana dadka deegaanku ay shegeen in madaafiicda garabka laga tuuro ay sidoo kale ku weerareen goobtaasi.

Weerarkan ayaa waxaa lala eegtay dad ka soo laabtay debaal dega ciidul fitriga.

Mar sii horeesay ayaa madaxa ciidammada milateriga ee Nigeria waxaa uu dadkii ka barakacay collaada Boko Haram ugu baaqay inay dib ugu laabtaan guryahooda, oo uu sheegay inay yihiin kuwa ammaan ah.

General Tukur Buratai ayaa waxaa kale oo uu sheegay in kooxda Boko Haraam aysan ahyen khatar dambe oo heysata shacabka dalkaasi, kadib waxa uu ku tilmaamay howgal guuleystay oo ka dhan ah Boko Harm.

COMMENTS