CABAYS.COM
Dabkii ugu khatar sanaa oo daar London ah ku qabsaday dad Soomali ah – Dadka ku shuf-beelay oo laga baqayo in ay bataan
June 14, 2017 - Written by Cabays

Cabays

 

Cabays Media:-  Daarta dheer ee la yidhaa Grenfell Tower oo la sheegay in la dhisay sanadkii 1974, balse dib loo cusboonisiiyey sanadkii 2016-kii, isla markaana ka koobnayd 24 dabaq  ayaa dab si xoog ah ugu faafay uu qabsaday habeenkii xalay ee Arbacadu soo galaysay .

Daartu waxay ku taal North Kensington – Galbeedka London oo ah goob qoomiyado kala duwan ay ku nool yihiin, isla markaana leh daaro badan oo ah kuwa is dul saarsaaran iyo guryo hoosta iskaga jira.  Daartan Grenfell Tower ee dabku qabsaday ayaa ka koobnayd 120 flat ama guri, xiliga dabku qarxay waxa la sheegay in ay ugu yaraan daarta ku jireen ilaa 600 oo dad ah, oo ka mid ah dadka degan 24ka dabaqadood ee ay ka koobnayd,

Dadka dageenaa  daartan ayaa waxa la sheegay in 65% ay ahaayeen dad Muslimiin ah. Waliba dadka Muslimka ah qaarkood waxay ku maqnaayeen Taraawiix am Salaatul Layl, iyagoo caruutoodii iyo waayeelku badi hurday, halka Muslimka qaar u soo jeedeen suxuurta, halkaas oo waalidiinta qaarkood ayna joogin xiligii uu dambku qabsaday daartooda. Waxa la sheegay in ugu yaraan 15 qoys oo Soomaali ah deganaayeen dabaqdaha sare ee dabku hol ciyey. Waa masiibo culus ee inta la og yahay 12 qof ku dhinteen, hase ahatee waxa aad looga cabsi qabaa in tiradu ay ka badandoonto.

Ciidamada dab-damiska London ayaa haweenay u hadashay waxa ay sheegtay in dabku haa mid aan hore lo arag noociisa iyo sida dhakhsaha ah ee uu ugu faafay daarta. Sidoo kale duqa-caasimada London, ayaa isaguna sheegay in uu dabkani yahay mid culus oo khasaarihiisu balaadhan yahay, hase ahaatee ay baadhitaan balaadhan ku samayn doonaan sobobta marka hore kicisay.

Dadka la jaarka ah daartan holacday ee Grenfell Tower ee London ayaa qaarkood ka sheekeeyeen waxay arkeen markii uu dabku ka bilaabmay iyo sidii uu ugu faafay.

“Dadku markiiba si dhakhso ah ayuu u faafay, daartana ma jirin digniinata dawanka dabka sheega iyo wax kale oo dadka u sheegaya in uu dab-qarxay, waxa dhacay waa masiibo” Sidaa waxa yidhi nin magaciisa la yidhaa Mahad Cigaal oo asalkiisu yahay Soomaali oo idaacada BBC 24 u waramay oo sheegay in uu daarta degan yahay oo marki uu dabku bilaabmay dibada uga soo booday.

“Albaabkayga ayaa si xoogan la iigu soo garaacay, bug-bug ayaa laga siiyey, ka baxa waa dabe ayaa nin jaarkjaygu igu yidhi, waxa uu ii sheegay talaagadi qaraxday, markiiba caruurtaydii iyo xaaskagii baan la booday, jaarkaygana waan ku qayliyey oo ka baxaay ayaan idhi, dabku xoog ayuu u socday, qiiqa waxba lama arkayn” Sidaa waxa cod murugo leh ku yidhi Mahad Cigaal oo nasiib isaga iyo qoyskiisii ka baxeen dabka, balse dad badani ku shuf beeleen.

Mahadi oo ay ka wareysanayso wariyad BBC-da ah, ayaa qalbi jaba uu ka qaaday wixii uu arkay awgeed ka ooyey , isla markaana ku kalifay in wariyadii ka joojiso su’aalaha.

Mahad

“Waxaan arkayey qof yar iyo qof aan u maleeyey hooyadoo, timaha dheer ayaan arkayey oo daaqadoo dabaq sare gacmaha haadinaya oo noo gurmada leh, dab farabadan ayaa ku socday gurigooda, waad arkaysay hola ku socday, waxay ahayd muuqaal qalbi jab ah” Sidaa waxa isagu u sheegay idaacada  TV-ga  BBC nin magaciisa lagu sheegay Axmed oo sheegay in uu degan yahay guri gaaban oo u dhaw halka daarta gubatay ku taal.

Axmed waxa uu sheegay in ciidamada dab-damiska London ay aad u soo raageen, markii ay yimaadeena ay wakhti badan xaamxaamanayeen oo aanay markiiba dambka xakamayn, waayo ayauu yidhi dabku xawaare dheeranaynaya ayuu daarta ugu faafayey.

Dadka dabkan uu saameeyey ayaan ku koobnayn intii daartan Grenfell deganayed oo kali ah,  hase ahaatee waxa sidoo kale laga daad gureeyey dadkii guryahoogu ka ag dhawaa.

“Waxa jirta halis kale oo ah in daartu isku dunto maadaama dabkii wali la wada bakhtiin oo uu 13 saacadood ka dib markii uu bilaabmay uu wali holcayo” Sidaa waxa sheegay afhayeen u hadlay ciidamada damb-damiska London.

Sidoo kale duqa magaalada London, Saddiq Khan oo isagu ah nin Muslim ah oo booqday goobta daartu ku taal saaka,  ayaa sheegay in ay wax kastoo oo ay u qaban karaan dadka dabkani saameeyey ay samaynayaan.

Sidoo kale hogaamiyaha xisbiha mucaaridka ee Labour-ka, Jermey Corbyn ayaa ku baaqay in loogurmado dadka dabku saameeyey iyo in baadhitaan laxaadle lagu sameeyo waxa sobobay dadka.

Mid ka mid ah Soomaalida ka badbaaday dabka

Mid ka mid ah Soomaalida ka badbaaday dabka

Dhanka kale Raysalwasaaraha UK, Theresa May ayaa sheegtay in shir deg deg ah ka yeelanayaan galabata gole darsaya sida wax u dhaceen iyo gurmadku sida uu u socdo.

Ilaa hadda dadka la sheegay in cusbitaalada la geeyey waxa Ciidanka Gurmadka Dhooliyada London ku sheegeen in ay gaadhayaan ilaa iyo 70 q0f iyo 10 qof oo iyagu iskood isku geeyey cusbitaalada.

Booliska London waxa ay sheegeen in dhimashadu ilaa hadda marayso ilaa 12 qof, ayna filayaan in ay ka badato.

Booliska London ayaa sheegay in la fisho in tirada dadka dhintay ay sii bataan iyo iyagoo su’aal saaray tayada -dib-u-dhiska daarta Grenfell.

LT

Haddii aad cid ka war warsan tahay wax aad wici kartaa telefoonkan loo sameeyey ehelka raadinaya cidoodii ee dabkani saameeyey Tel: 0800 0961 233

La soco Cabays Media wixii ka soo kordha warkan oo u badan mi saamaynaya dadka Muslimka ah ama Soomaalida ah.

COMMENTS