CABAYS.COM
Dal Afrikaan Ah oo Cashuur Ka Qaadaya Dadka Baraha Bulshada Wax Ku Xanta Ama Ku Kaftama.
April 13, 2018 - Written by Cabays

Uganda ayaa qorsheyneysa inay canshuur maalinle ah ku soo rogto dadka isticmaala baraha bulshada wixii loo gaadho July, si sare loogu qaado dakhliga, sida uu sheegay Wasiirka Dhaqaalaha dalkaasi Matia Kasaija.

Talaabadan ayaa waxaa cambaareeyay mid ka mid ah dadka xuquuqda u dooda oo lagu magacaabo Rosebell Kagumire oo yidhi: “Waxay qayb ka tahay iskudayada ballaadhan ee lagu wiiqayo xorriyatul-qowlka.”

Horraantii bishan, madaxweyne Yoweri Museveni – oo xukunka hayay in ka badan 30 sano  ayaa warqad uu u diray Kasaija iyo saraakiil kale ku sheegay in dadka xanta u isticmaala baraha bulshada ay tahay in canshuur lagu soo rogo.

“Kuma soo rogayo canshuur dadka u isticmaala baraha bulshada sababo waxbarasho, baadhitaan ama tixraac … kuwaasi bilaash bey sii ahaanayaan,” ayuu yidhi madaxweynuhu.

Dadka isticmaala WhatsApp, Facebook iyo Twitter ayay canshuurtani saameyn doontaa.

COMMENTS