CABAYS.COM
Dalka intaan maray iyo dirqigii aanu galnay dariiqyada adag
March 20, 2017 - Written by Cabays

Dalka intaan maray iyo dirqigii aanu galnay dariiqyada adag

Shalay  oo ay taariikhdu ahayd 19/03/2107, Waxa aan u baxnay socdaal gaaban, haddana qaatay in kabadan 15 saacadood oo aad u adakaa. Waxa aanu baxnay Hargeysa iyadoo aanu quraacdii ka deg degnay xili ku dhow 8kii subaxnimo. Waxa aanu u jarmaadany Berbera anigoo ka kooban suxufi iyo masuuliyiinta Wasaarada Dalxiiska, masuuliyiin Xarunta Dhaqanka Hargeysa iyo  qoraa aanu wadaano safarka cusub ee ilaa Buloxaat iyo xubno kale.

Ujeeda socdaalkuu waxa uu ahaa in aanu Bulaxaar ugu tagno koox Ibaanish ah oo baadhis ku samayna magaaladii hore ee Buloxaar iyo wax yaabaha Aataarta ah iyo in aanu Berbera kaga qaybgalno aas qaran oo loo samaynayey lafihii maydka dad gaadhaya 17 qof oo lagu xasuuqay xaafada Burco Sheekh ee Berbera.

Jidka Berbera iyo Hargeysa waa mid aad iyo aad uga wanaagsan sidii uu hore u ahaa, waana jid wax weyn laga qabtay marka la eego sidii uu ahaan jiray, siiba goobo badan oo biyo mareen ah oo halis ku ahaa dadka iyo gaadiidka mara.

Jidka Berbera marka waliba la dhaafo Lafo-ruug meel u dhexe waxa la xidhay wadada oo ay ka socotay hawli dib u habayn ah, waxa la hakiyey gaadiidka wixii marayey, hase ahaatee anaga waa la nasidaayey, waxaana la na yidhi  “Ordoo idinku jibaaxa dooxa” maadaama aanu wadanay baabuur sangeerlayaal ah, waa markan ay timid tijaabadii ugu horaysay ee dirawadaladii 3da baabuur ee aanu wadanay, anagoo ahayn 14 qof.
Dooxii ayaa baabuurtii lagu shalwiyey, wade kastaa is xariifi, ciid iyo bur is cuskaday oo qaar baabuurkaba kor u qaadaya hadii uu dulmaro is wajahe, wadayaashii isku daye in ay si xirfad leh uga baxaan, ninba xeeladii iyo xooga baabuurka uu wado isla-xamaaradi.

DSCN5255

Baabuurkayagii oo la jiidayo oo galay wadada Buloxaar dhanka Berbera.

Waxayse ugu xiisaha badnayd markii wadihii baabuurkii aanu saarnayn oo ugu dambeeyey uu isku-shalwiyey gabigii dooxa oo bur-ciideed iyo geed abaareed gaagaaban ka mudheen. Waduhu waa nin waayo aragnimo xoogan u leh marista wadooyinka adag ee Hawdka, waxaanu hore u wadi jiray baabuurta tuulo ilaa tuulo jibaaxa, hase ahaatee waligii dhanka Xeebta uma soo kici, waana markii ugu horaysay ee ay is wajahaan dooxyada adag ee gobolka Saaxil oo kii ugu horeeyey noqday mid la nagu khasbay in aanu marno.

Anigu suunkii gaadhiga mar horeba Hargeysa ayaan ka soo xidhay, hase ahaatee rag aan suunku wax buu badbaadiyaa aan aaminsanayn ayaa gaadhi sangeerle ah oo waliba soo baxay 2011-kii la wada soconaa.

Alla adakaa agbigu, tuuro tuuro badanaa! Haddana u kala sahlanaa wadayaasha si da looga baxaa, kaayagu waa cashar cusub oo maanta in uu baaso laga doonayo. Waxa kursiga hore saaran wasiirka dalxiiska oo safarkani yahay mid isagana ku cusub iyo gudoomiye yaal, iyo isku duwayaal waligood dhulkan aan soo marin.
Wadihii baabuurtii 2da kale si xirfadi iyo dhoolo tus ku jiro kaga bexe, xaalku waxa uu noqday nin la sugayoow adna yaad sugi?
Markii uu wadahayagii arka ysida ay kuwii kala uga baxeen gabiga adag ee dooxa, waxa uu sidii ciyaartootaydii ka boodi jiray xadhkaha sare inta u dib isku shalwiyey, ayuu iinta uu sangeerka ku tuuray ayuu xawaare geer culus ah galiyey iskuna qaaday gabigii si aanu uga gudubno dooxa, ka dib na aanu dib laamida ilaa Berbera uga qabsano., Waayo agranimadu ma sahlana, wadihii meel dhexe oo gabiga ah oo bur-ciideed iyo geed-gaab mudhay ayuu dhexda noo dhigay, bal adba dhaqaaq. Kaaga darane qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa soo ururay oo sidii tartanki baabuurta saxaraha daawasho iyo qaylo talo ku jirto isla dayaansaday, “Waar xagaa u qabo, ku dar in yar ku dar iyo ka joog waar ka jooh ” ayey iskula dayaameen.
Wadihii inta uu dhididay ayuu gaadhigii haddana dib u shalwiyey. Tiroba marki 3aad ayey nagu qaadatay in uu wadihii isku dayo. Ogow 2dii baabuur iyo intii saarnayd waxay nagu sugayaan laamida, iyagoo qoslaya intii saarnayd, waayo mar kali ah ayey ka baxeen gabigaa adag ee bur-ciidu buuxdo.

DSCN5251

Baabuurkii aanu wadanay oo reer magaal ahaa ayaa naga galay wadada Bulo-xaar

Hase ahaatee markii 3aad waxa aanu uga baxnay sidii oo gaadhgi nala qalibmayo, boodboodka, rabaaska iyo ciicda ka baxaysa gaadhigii sangeerlaha ahaa, hase ahaatee aakhirkii ka baxnay, angoo badhkayo badaxa la dhaceen gudha gaadhiga oo ay ku yaaleen bir ilaalisa gaadhiga haddii uu dhaco oo sidii tiirar ah, laakiin cidi wax kuma noqon, qosol iyo farxad iyo dirawalkii oo aanu sii dhiiri galinay ayaanu dib u qabsanay laamidii ilaa Berbera, waxaa intaa ku ilownay murugo aanu Berbera ugu tagnay oo ahayd dad la xasuuqay oo lafahoodii la aasayo, dadkaas oo tiro ahaan ahaa 17 qof.

La soco qaybo kale oo xiiso leh iyo socdaalkaygii oo ahaa isku soo wareeg ilaa Hargeysa, Berbera Bulaxaar iyo inta u dhaxays.

 

COMMENTS