CABAYS.COM
Daraasad: Qofka Oo Lacago Badan Si Joogto Ah Indhihiisu U Qabtaan Waxa Ay Keentaa Hab Fikir Taban Iyo Fasahaad
April 4, 2019 - Written by Cabays

Daraasad dhawaan lagu soo gabagabeeyey Jaamacadda Harvard ee wadanka Maraykanka ayaa daah furtay in si kasta oo qiyamka Aadamigu u kala xadeeyo damaca iyo doonista Maalka, haba lahaado ama yaanu lahaane hadana ay Cilmibaadhis ballaadhan oo arrintaasi laga sameeyey lagu ogaaday in Haddii qofku mar kasta arko ama gacanta ku hayo lacago aad u badan uu markadambe ku dhiirrado in uu ku kaco go’aamo khaldan oo aan habboonyn.

Daraasaddan oo laga soo dheegay Afar cilmi baadhisood oo arrimahan la xidhiidha aakhirkiina la isugu keenay daraasad weyn oo kali ah ayaa muujinaysa in dadka Bangiyada ama goobaha lacagta badani ku soo xerooto ka hawl galaa qarka u saaran yihiin in ay sifo sharci darro ah ku dhaqaaqi karaan taasi oo ay sabab u tahay lagacaha ay dhex joogaan mar walba.

Waxa kale oo daraasaddani muujinaysaa in dadka lacagaha badani soo galaan sida kuwa xayaysiisyada sameeya, Filimada, ciyaartoyga iyo fanaaniintu noqdeen kuwa ugu daran ee baahida weyn u qaba lacago ay kharash gareeyaan oo ay sii korodho baahidoodu mar kasta oo ay Lacago badan soo xereeyaan, arrintaasi oo noqotay mid taban oo dhinaca hab dhaqanka iyo dareenka maskaxeed ah.

Cilmi baadhe ka tirsan kooxda daraasaddan diyaarisay ayaa saxaafadda u sheegay in 324 xaaladood oo ay baadhitaan ku sameeyeen iyaga oo dad kala duwan si maalinle ama todobaadle ah lacago aad u fara badan u tusay oo loo hibeeyey kuwaasi oo la ogaaday in aakhirkii intoodda badani ku fikireen dareena ku qaateen in ay sameeyaan waxyeebo akhlaaqiyaadka ka baxsan oo aan markii hore maskaxdooda ku jirin.

Tusaale ahaan waxa ay aad ugu Fashilmeen sidii ay u maarayn lahaayeen lacagaha badan ee loo hibeeyey ama sifo bakhtiyaa nasiib ah lagu siiyay kuwaasi oo intooda badan ku fashilmay in ay si habboon lacagahaasi u maareeyaan. Gabagabadiina waxa daraasaddan lagu soo ururiyay aragtida odhanaysa in qofka oo in badan Maalka ka fikira ama macaamilkiisu la xidhiidhsan yahay in uu kala dabaro lacago aad u fara badan sawirkoodana arka maalin kasta ay keento in ay qofka ku riixdo fasaad qofnimo oo dhinaca taban ah.

Xigasho: Topresearches

 

COMMENTS