CABAYS.COM
Dawladda Burundi ayaa diidey in kun askari oo ka tirsan ciidamadeeda ay kala baxdo Soomaaliya
December 24, 2018 - Written by Cabays

Cabays.Media (Somaliya)Dawladda Burundi ayaa diidey in kun askari oo ka tirsan ciidamadeeda ay kala baxdo Soomaaliya.

Afhayeen u hadlay ciidamada Burundi oo lagu magacaabo Korneyl Floribert Biyereke ayaa sheegay in aanay Burundi keligeed hal mar kala wada baxayn Soomaaliya kun askari, balse marka ciidan uu ka baxayo Soomaaliya ay tahay in dalkasta oo ka mid ah howlgalka AMISOM uu qeyb la baxo.

Burundi waa dalka labaad ee Ciidamada ugu badan ay ka joogaan Soomaaliya, waxaana ka jooga 5,400 oo Askari.

Midowga Afrika ayaa soo jeediyay in dhammaadka bisha koowaad ee sannadka 2019ka ay Burundi kala baxdo Soomaaliya 1,000 askari.

“Ciidanka Burundi waa kuwa mushahar aad u yar ku qaata dalkooda, AMISOM ayaa u mushahar badan, sidoo kale aad uma qalabeysna, ciidanka Burundi” Sidaas waxaa sheegay sarkaal ka tirsan midowga Afrika oo magaciisa qariyay.

Dhaqaale ahaan Burundi waxa ay lacag fiican ka soo gashaa Howlgalka AMISOM oo afartii biloodba lagu bixiyo lacag dhan $18 Milyan oo doollarka.

Xigasho: DailyMail

 

COMMENTS