CABAYS.COM
DEG-DEG: Oroyahanka Reer Kenya Ee Eliud Kipchoge Oo Ku Guuleystay London Marathon Iyo Mo Farah Oo
April 28, 2019 - Written by Cabays

Orodyahanka reer Kenya ee Elidu Kipchoge ayaa noqday orodyahanka labaad ee dunida ugu dheereeya, kaddib markii uu ku guuleystay tartanka Orodka London Marathon oo mar dhoweyd ka dhacay magaalada London.

Eliud Kipchoge ayaa markii afraad ku guuleystay London Marathon waxaana uu raacsaday waxaana uu kusoo dhameeyey laba saacadood, laba daqiiqadood iyo 38 ilbidhiqsi, taas oo ka dhigtay ciyaartoygii labaad ee muddadii ugu yarayd ku dhameeyey tartanka.

Orodyahanka Asalkiisu ka soo jeedo Somaliland Sir Mo Farah ayaa kaalinta shanaad galay, waxaana uu ka dambeeyey Eliud Kipchoge  saddex daqiiqadood iyo hal ilbidhiqsi oo kaliya, laakiin xattaa kaalmaha labaad, saddexaad iyo afraad midna ma helin.

Kaalinta labaad iyo saddexaad waxa galay orodyahannada reer Ethiopia ee Mosinet Geremew iyo Mule Wasinuum.

Dhinaca haweenka waxa kaalinta koowaad gashay gabadha u dhalatay Kenya ee Brigid Kosgei oo ay da’deedu tahay 25 jir, waxaanay noqotay orodyahannadii ugu da’dda yarayd ee ku guuleysatay London Marathon.

Mo Farah oo inkasta oo uu kaalinta shanaad galay, haddana noqday ciyaartoygii labaad ee u dhashay UK ee abid ugu dheereeyey, waxaana waraysi kooban oo uu jeediyey kadib orodka uu ku sheegay inuu wax fiican dareemayo.

“Wanaag ayaan dareemayay bilowgii. Hadafkaygu wuxuu ahaa inaan deganaado, laakiin 20 mile kadib ayuu naga dheereeyey, wuxuu abuuray farqi ay adag tahay in lagu dhawaado.” Ayuu yidhi Mo Farah oo ka hadlayey orodyahanka reer Kenya ee tartanka ku guuleystay.

Abdiwahaab Cabeeye

COMMENTS