CABAYS.COM
Degdeg: Duqa Magaalada Muqdisho Ayaa Ku Dhaawacay Weerar Ismiidamin Ah Iyo Cisbitaalka Lagu Dabiibayo
July 24, 2019 - Written by Cabays

Muqdisho (Cabays Media)- Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalkaasi Soomaaliya, ayaa sheegaya in qarax Ismiidamain ah lala eegtay xarunta maamulka gobolka Banaadir oo ah meel amnigeeda si aad ah loo ilaaliyo.

Wararka na soo gaadhay waxay sheegayaan in qof isku soo xidhay walxaha qarxa uu gudaha u galay dhismaha xarunta, kaasoo markii danbena is qarxiyay, iyadoo jugta qaraxa laga maqlay degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir.

Qaar kamid ah shaqaalaha Aqalka dowladda Hoose, ayaa Warbaahinta u sheegay inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo ka dhashay qaraxa, kaasoo gaadhay qaar kamid ah shaqaalaha xarunta iyo mas’uuliyiin.

Wararka la helayo waxa ay sheegayaan inuu dadka dhaawcamay ku jiro Guddoomiyaha maamulka Gobolka Banaadir Injineer C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisoow, kaasoo u muuqday inuu ahaa bartilmaameedka weerarka.

Saraakiil ka tirsan Cibsitaalka Digfeer ayaa Idaacadda Maxalliga ah ee Mustaqbal u sheegay in Cisbitaalkooda la geeyay dhaawaca Duqa Caasimadda iyo xubno kale, kuwaasoo xaaaldooda lala tacaalayo.

Qaraxan ayaa kusoo beegmaya saacado yar uun kadib markii Wakiilka Qaramada Midoobe u qaabilsan Soomaaliya James Swan uu kula kulmay Guddoomiye Yariisoow Aqalka dowladda Hoose.

COMMENTS