CABAYS.COM
Degdeg: Guddoomiyayaashii Gobolka Maroodi Jeex Iyo Degmada Hargeysa Oo Xilka Laga Qaaday Iyo Garsoorayaasha Xilalkaasi Loo Magacaabay
April 28, 2019 - Written by Cabays

Hargeysa (Cabays Media)- Guddoomiyayaashii Maxkamadaha Degmada Hargeysa iyo Gobolka Maroodi Jeex Cabdirashiid Beergeel iyo Axmed Dalmar Ismaaciil (Halac) ayaa xilka laga qaaday iyada oo loo magacaabay Maxkamadahaasi laba Garyaqaan oo kale.

Xil-ka qaadistan iyo Magacaabistan oo ay soo saareen Guddida Caddaaladda qaranka oo uu Guddoominayay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland waxa Guddoomiyihii Maxkamadda Gobolka Maroodi Jeex loogu magacaabay Garsoore Cabdi Qawdhan Cabdi halka Garsoore Yaxye Xuseen Yuusuf loo magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Degmada Hargeysa.

cc

Isku-shaandhayntan ayaa soo baxday saaka wakhti inta badan cabasho badan dadku ka muujin jireen Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Maroodi Jeex Axmed Dalmar Ismaaciil kaasi oo gaar ahaan lagu xasuusto xukunnadii caddaalad darrada ahaa ee uu kula kici jiray Saxaafadda Madaxa bannaan ee Somaliland.

 

 

COMMENTS