Markaan Arkay: Dhibaatada Colaadeed ee Ka Jirta Degmooyin Ka Mid ah Gobolka Sanaag oo Halis Galin Karta Nabad-gelyada Guud, Jiritaanka Qaranka iyo Dastuurka Dalka;
Markaan Arkay: Nabad-gelyo Darrada Ku Soo Noq-noqotay Degmooyinkaa Gobolka Sanaag oo Xukuumadda iyo Qaybaha Kala Duwan ee Bulshaduba ay Dadaallo Naf iyo Maalba Leh Ka Galeen;
Markaan Arkay: In ay Tahay Waajib Qaran in Xukuumaddu Qaado Tallaabo adag oo Lagu Joojinayo Khataraha Amni-darro, Si Loo Sugo Nabad-gelyada, Loona Bad-baadiyo Nafaha iyo Hantida Shacabka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markaan La Sameeyey La-tashi Shir-guddoonka Labada Gole ee Baarlamaanka JSL (Guurtida iyo Wakiillada) iyo Guddida Guud ee Nabad-gelyada Qaranka;
Waxaan Go’aamiyey;
Qodobka 1aad. Xaalad Deg-deg ah (State of Emergency)
1) In Xaalad Deg-deg ah (State of Emergency) lagu soo rogay Degmooyinka Gar-adag, Ceel Afweyn iyo Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag, muddo saddex bilood ah.
Qodobka 2aad. Tallaabooyinka Sugidda Amniga
1) In Ciidammada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee kala duwan ay qaadaan tallaabo kasta oo ay ku sugayaan amniga, kagana hor-tagayaan cid kasta oo ku kacaysa ama u muuqata in ay fulinayso falal nabad-gelyo darro.