CABAYS.COM
Degdeg: Maxkamad Dil Ku Xukuntay Qaar Kamida Raggii Loo Haystay Kiiska Gabadhii Yarayd Ee Gaalkacyo Lagu Dilay
May 12, 2019 - Written by Cabays

Gaalkacayo (Cabays Media)- Maxkamadda darajada 1-aad ee Gobolka Nugaal ee dalka Soomaaliya ayaa xukun dil ah ku ridday raggii ku eedaysnaa kiiskii Caasho Ilyaas Aadan oo sanadkan horraantiisii kufsi iyo dil loogu gaystay magaalada Gaalkacyo.

Guddoomiyaha maxkamadda Gobolka Nugaal Sheekh Cabdinuur ayaa ku dhawaaqay xukunka.

Ragga la xukumay ayaa kala ah: Cabdifataax Cabdiraxmaan Warsame, Cabdisalaan Cabdiraxman Warsame iyo Cabdishakuur Maxamed Dige, waxaana lagu xukumay dil toogasho ah oo ay fulinayso dowladda Punland.

Maxkamadda ayaa sidoo kale fasaxday toddoba nin oo kale oo kiiskan ku eedeeysnaa, kuwaas oo ay danbi ku wayday.

Garsooraha maxkamadda ayaa sidoo kele sheegay in ragga la xukumay ay haystaan bil racfaan ah.

Maxkamadaynta raggan ayaa dhowr jeer oo hore dib u dhacday ayadoo qareennaddii u doodayey ay codsadeen in waqti dheeri ah la siiyo.

Kiiska gabadhaan yar ee kufsiga iyo dilka loo gaystay ayaa caro weyn ka dhaliyey magaalada Galkacyo iyo guud ahaan deegaanada Puntland.

Dhammaadkii bishii Febraayo ee sanadkan ayaa meydkeeda laga helay magaalada Galkacyo ka dib markii laga afduubay halkaasi.

Dadka deegaanka ayaa BBC-da u sheegay in meydkan gabadhan yar la soo dhigay meel aan ka fogeyn xaafaddooda.

Kufsiga loo geystay gabadhan yar ma ahan kii ugu horreeyay ee ka dhaca deegaanadaas oo waxaa ka horreeyay kufsi loo geystay gabdho kala duwan oo ka kala dhacay magaalooyinka Galdodgob, Galkacyo, Garowe, Guriceel, inkastoo qaar ka mid ah xabsiga loo taxaabay, hase yeeshee waxaan la ogeen sababta ku qaadi karta dadka ka dambeeya falkani foosha xun.

COMMENTS