CABAYS.COM
Dharaarihii Kululaa Ee Kulmiye : Dib U Eeg Qoraaladii, Hanjabaadihii, Talo-Wadaagii Iyo U Heelanaanta Sidii Xusbiga Kulmiye U Hanan Lahaa Hogaanka Dalka
December 22, 2014 - Written by Cabays

Cabays – (Qormadii C/laahi Maxamed Cali)

Waa qormo cusub oo aynu dib ugu eegayno sidii iyo hanaankii taageerayaashii, madaxdii iyo hogaankii Kulmiye xiligii xaraarada doorsho boqolka iyo dheeraad ay garaacaysay ee ay isku diyaariyeen in talada dalka kula wareegaan cod buuxa oo ay ka helaan bulshadii Somaliland ee codaynaysay iyo habkii ay u dajeen shaxdii keentay in Kulmiye noqdo mucaaridkii ugu weynaa ee xiliga xusbiyada Somaliland soo mara. Qormadan waxa aynu ku soo qaadanaynaa hadaladi iyo talooyinkii dhaxmari jiray xusbiga Kulmiye qiyaastii markii durmaanka doorasho-doonka ee mudo-kordhin diidka ay garaacayeen ilaa ay dhacaday doorashadii sanadkii 2010-kii.

Qormadan waa mid taxane iinoo ahaanaysa, oo aynu ku soo ban dhigayno qoraalo wata taariikhdoodii iyo cidii qortay, wixii ay ka hadlayeen oo haddii maanta xusbiga UCID ama Waddani ay ku hadlaan aan ahayn wax inagu cusub balse xusbiga Kulmiye hore u soo maray, oo ay maantase la yaabaan, dhibsadaan ama ku haaraamaan cid sidoodii yeesha, reer Kulmiye . Xaalku waa Kulmiye oo aynu dib u jaleecnay xiligii uu mucaaridka ahaa iyo sidii uu u dhaqmi jiray.Waxa aynu soo qufaynaa qoraalo xambaarsan taariikh uu Kulmiye u baahan yahay in uu dib u eego, bar bar dhigana ta maanta xusbiyada ku muraacridka ah. Sidoo kale waa qoraal ifiimin doona heerkii ixtiraan ee ay u hayeen hogaankii qaranka ee ay doorashada kaga heleen ee madaxweyne Daahir Riyeel iyo xubnihii xukumadiisa..

Qormadan waxa  ay inoo bilaabmaysaa bishan 24keeda, waa Khamiista haddii Alle yidhaa.

 

Qormadan waxa  ay inoo bilaabmaysaa bishan 24keeda, waa Arbacada  haddii Alle yidhaa.

AMA -pic AMA1

Cabdillahi Maxamed Cali waa Saxafi mudo dheer ku soo jiray saxaafada oo aan xusbi iyo urur goni ah midna ka mid ahayn., si weyna ula socda siyaasada xusbiyada Somaliland.

kala xidhiidh: editor@cabays.com

COMMENTS