CABAYS.COM
Dharaarihii Kululaa Ee Kulmiye : Dib U Eeg Qoraaladii, Hanjabaadihii, Talo-Wadaagii Iyo U Heelanaanta Sidii Xusbiga Kulmiye U Hanan Lahaa Hogaanka Dalka
December 25, 2014 - Written by Cabays

Cabays.com – (Qormadii 1aad ee C/laahi Maxamed Cali) Waa qormo cusub oo aynu dib ugu eegayno sidii iyo hanaankii taageerayaashii, madaxdii iyo hogaankii Kulmiye xiligii xaraarada doorsho boqolka iyo dheeraad ay garaacaysay ee ay isku diyaariyeen in talada dalka kula wareegaan cod buuxa oo ay ka helaan bulshadii Somaliland ee codaynaysay.
Qormadan waa mid taxane iinoo ahaanaysa, haddii Alle yidhaa, oo aynu ku soo ban dhigayno qoraalo wata taariikhdoodii iyo cidii qortay, wixii ay ka hadlayeen oo haddii maanta xusbiga UCID ama Waddani ay ku hadlaan aan ahayn wax inagu cusub balse xusbiga Kulmiye hore u soo maray, oo laga yaabaa in ay maanta dhibsadaan xukumada iyo Xusbiga Kulmiye. Xaalku waa Kulmiye oo aynu dib u jaleecnay xiligii uu mucaaridka ahaa iyo sidii uu u dhaqmi jiray.

Qoramdii 1aad. Taarkiikhda Kulmiye oo guud-xaadh ah

Haddii aynu ku bilowno dib u jeleec kooban sida Kulmiye ku noqday xusbi ka mid ah hanaanka siyaasadeed ee Somaliland, xusbiga Kulmiye waa xusbigii saddexaad ee Somaliland laga aas aasay sanadkii 2002-dii, isla bishii uu geeriyooday Allaah unaxariistee aas aasihii xusbigii ugu horeeyey ee UDUB ee xukumada Somaliland ka unkamay, marxuun Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal. Kulmiye waa xusbi aan fikirkiisu ku dhalan gudaha dalka oo laga keenay wadamada qurbaha. Waxase lagu daahfuray magaalada Hargeysa, siiba Xarunta Shaqaalaha, halkaas oo gudoomiyihii ugu horeeyey, Axmed Maxamed Siiraanyo iyo ku xigeenadiisii lagaga dhawaaqay. Maalintaa goobjoog ayaan ahaa, oo waxa aan ku sugnaa madashii lagu daahfurayey oo ay iskugu yimaadeen dad aan ka badnayn boqol iyo kontan qof oo iskugu jiray xubno qurbejoog ah, kuwo marti ah oo aan ururka u socon iyo aas-aasayaashii ururkii Kulmiye, aniguse maan ahayn xubin ku biiraysay, ee waxa aan haa uun saxafi ka mid ah saxaiyiintii goobta joogay, waa bishii May 2002 oo dalka ku yar yahay qurbejoog booqasho ku yimaadaa, waxana wali sii qoyand geeridii Marxuun Cigaal.

Dabcan xiligaa ma ahayn xusbi sida sharciga dalku dhigayey, waxa uu ahaa urur siyaasadeed doorashadii ugu horaysay ee golayaasha deegaanka oo ay ilaa sagaal urur siyaasadeed ku loolameen sidii ay xusbi u noqon lahaayeen qayb weyn ka galay, kaas oo Kulmiye ku noqday xusbiga ka mid noqda saddexdii xusbi ee lagu xadiday tirada xusbiyada Somaliland, taas oo dhacday bishii Diisambar sanadkii 2002. waxaanu ku soo baxay kaalinta labaad.
Fikirka xusbinimada Kulmiye oo ahaa mid qurbaha ka soo aloosmay, isla markanaa noqday mid kulmiyey qurbejoog ka badan kii xusbiga UCID oo isna ahaa mid qurbejooga qaarada Yurub uu horcayey gudoomiye Fayasal Cali Waraabe oo isna mudo yar horteed intii aan UDUB lagu dhawaaqin la daahfuray.
Waxa Kulmiye mar kali ah ku dhaqaaay xawaare uu ku kobcay oo xubnihiisu marba marka ka siidambaysa ay sii badanayeen. Daahfurkii Kulmiye ee Xarunta Shaqaalaha Hargeysa ee sanadkii 2002 oo aan goobjoog ka ahaa iyo ilaa iyo imika oo xusbiga hogaanka dalka haya uu yahay, waxa aan si weyn ula socday isbadalka ku imanayey xusbiga oo haatan aan taagnayn heerkii markii uu mucaaridka ahaa, siiba intii ka dambaysay doorashadii 2010-kii, la odhan karo waa xusbi dorashadii ay kaga eekayd  darbanaantii iyo xooganaantii aan lala wadaagin.

Hase ahaatee xusbiga Kulmiye intii ka horaysay sanadkii 2010-kii waxa uu ahaa xusbiga kali ah ee Somaliland soo maray ee ugu nidaamsanaa xaga xidhiidhka xubnihiisa qurbaha ku kala firidhsanaa iyo kuwa gudaha, waxa uu ahaa mid si weyn u dhaqaajiyey dareenka siyaasadeed ee qurbejoog badan. Isla bishaa Diisambar ee sanadkii 2002-dii wixii ka dambeeyey waxa xusbiga xoog looga dhisay qurbaha iyadoo ujeedad laga lahaa ay ahayd sidii ay u heli lahaayeen dhaqaale lacageed oo qurbejoogu bixiyo, waxana xilal lagu taxay qurbejoog kala duwan oo gudiyo xidhiidhiya samaystay.
Hayeeshee, xusbiga Kulmiye, waxa uu adeegsaday dhanka isku xidhka qurbejooga iyo daljooga, iyagoo xoojiyey gudiyada dibad iyo gudaha., tani waxa ay u saamaxday in xusbigu yeesho ilo nidaamsan oo dhaqaale ka soo galo, taana waxa barbar-socday iyagoo lacago qaadhaan ah dadka ay kaga ururin jireen hab-beeleed xusbiyeysan oo xubnaha xusbiga ee ka soo jeeda bariga gobolka Togdheer ee beesha uu ka soo jeedo gudoomiye Siiraanyo iska sii saartay culays dheeraad ah oo qaadhaan ururin ah, sidoo kale wax iyaguna sidaas oo kale si la mid ah oo aanse sidaa ubalaadhnayn qaab beeleed qaadhaan-lacageed oo siyaasad lagu taageerayo iska guray qurbejoog ka soo jeeda beesha gudoomiye xigeenka koobaad ee xusbiga, Muuse Biixi Cabdi.

Waana halkan halka xusbigu ka soo galay nidaamka ku lidka ah habkii xusbiyada ee laga baxayey beelaysiga iyo halkii lagu xudun-xidhay in labadaas beelood yihiin taageerayaasha ugu weyn ee Kulmiye, inkastoo xubno badan oo beelaha kale ee Somaliland ay sidoo kale aanay u yaraysan taageeradii ay siiyeen ee dhan walba. Hase ahaatee ma jirin hab kale oo xusbigu dhaqaale lacageed oo uu ugu babac dhigo kii xusbigii UDUB uu ku helayey. Taa waxa u dheerayd xusbiga oo is wada siiyey guulihii xiligii halgankii SNM, oo xubno badan oo qurbaha ku sugan oo aqoona u leh habka qaadhaan ururinta ee xiligii SNM ay ku biraan xusbiga uguna hawlgalaan habkii waagaa ee 1982-1991kii nidaamkii qaadhaan gurka., tana waa ta Kulmiye siisay fursad aanu helin xusbiga dhigiisa ah ee UCID oo isba inta taagii u yaraysan dhaqaale ka raadinta qurbejejooga.
Haddii aynu ku soo dhawaano xiliyadii Kulmiye galay xaaladaha xiisaha, xamaasada iyo u kurbashada hanashada hogaanka dalka, waxa Kulmiye mar xaraaradiisu hoos u dhacday mudo bilo ah kadib doorashadii 14 bishii Abril 2003-dii ee in UDUB kaga guulaystay lagu dhawaaqay 29kii Abril isla sanadkaas, taas oo ay natiijadii soo baxday gaashaanka u daruureen Kulmiye iyo hogaakiisii ka hor intii aanay ku noqon in ay khasab ku aqbalaan. Wixii ka dambeeyey doorashadaas si toos ah loogu soo doortay madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin, bilo kadib, waxa ay keentay in xusbigii Kulmiye soo laba kacleeyo, isla markaana xoojiyo habkii xidhiidhkii iyo dhaqaale ururintii uu doorashada lagaga guulaystay ku helay dhaqaale xoogan. Sidoo kale waxa uu bilaabay in ololihii Kulmiye ku daro dhanka magac dilka, ku furista tashuush iyo dacaayadaynta xukumadii UDUB, waxaana xusbigu furtay hab cusub oo uu ku gudbiyo fariimihiisa iyo hadaladii ay ku weerarayeen dawladii uu hogaaminayey Daahir Riyaale oo ay ku eedeeyeen in ay u diiday in ay la wadaagaan saxaafadii qaranka ee ay gacanta ku haysay, sida idaacadii Radio Hargeysa iwm. Taa idaacadana waxa iyadoo dhaqaale xoogan oo ku adkayd xusbigu in uu is joogta ah u bixiyo, ay samaysteen barnaamij idaacadeed ka baxa idaacad mawjadeedu ku kiro ahayd, taas oo ay ugu talo galeen in lagu duqeeyo xukumadii UDUB, idaacadaas waxa la odhan jiray Radio Horyaal laga dhegeysto mowjadaha gaagaab, iyadoo duubista barnaamijyadeeda lagu samayn jiray Hargeysa, loona idiri jiray baahinta. Tani waxay u muuqatay karto ay ka soo dheegeen idaacdii Radio halgan ee SNM ka baahin jirtay barnaamijaydeeda, warark iwm ee ay kula barbar dhigi jirtay idaacadihii Radio Hargeys iyo Muqdisho oo uu taliskii ay SNM dagaalka kula jirtay ee uu hogaaminayey Maxamed Siyaad Barre ee sanadihii 1969 kii ilaa 1991 kii ka talinayey dalkii ay Somaliland la midowday sanadkii 1960-kii ee Jamhuuriyadii Soomaaliyeed.ee taliskaasi u bixiyey Soomaliya.

Sidoo kale waxa qurbejooga iyo daljooga Kulmiye furteen baro u gooni ah oo ay ku xidhiidhaan, oo dhanka ‘Internet’ ka ah. Waa halkan meesha ay ku kaydsan yihiin qormooyinka ugu xiisaha badan ee qaarkood haddii aad akhrido aad la yaabayso amaba ku fajac galinaya ee sidii ay u hadli jireen rag madax sare ah iyo xubno fifircoon oo maanta xusbiga Kulmiye sidii oo aanu waayo arag u lahayn uga gubto marka ay maqlaan erayo kuwii oo kale ah ama u dhigma,  Taa ka sokow sida la ogyahay hadaladii iyo doodihi xiligaasi waa kuwo aad moodid in aany waxba iska badalin,

Kulmiye 2004

La soco qaybta 2aad oo iftiimin doonta habkii uu Kulmiye isku badalay doorashadii laga helay kadib iyo qormooyinkii xiisaha lahaaa ee ay is weydaarsanayeen oo qaarkood ay ku jiraan hadalo aanay qaadan karin xusbiga ityo xukumadiisu.

Cabdillahi Maxamed Cali

Cabdillahi waaa saxafi mudo dheer ku soo jiray saxaafada madax-banaan oo aan ka tirsanayn xusbi iyo urur goni ah, aadna ula socda siyaasada xusbiyada Somaliland

Kala xidhiidh Cabdilaahi email-ka editor@cabays.com

AMA -pic

COMMENTS