CABAYS.COM
Dib u daawo khudbadii Madaxweyne Muuse Biixi ee badashay jawigii ay N&N moodaysay in uu u dhacayo Shirkii Diibouti
June 18, 2020 - Written by Cabays

CabaysCabays Media – (Djibouti- Rep. Djibouti) – Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo khudbad taariikhi ah oo garnaqsi , dhacdo raac iyo himilo shacab tilmaamaysa ka jeediyey shirkii dalka Djibouti ee u dhexeeyey Jam. Somaliland & Soomaaliya, waxa ay ahayd mid badashay jawi qorshe oo ay isa siiyeen waftigii madaxwyenaha Soomaaliya ee shirka ka qaybgalay.

Khudabada madaxweyne Muuse Biixi, waxa ay muftaax u ahayd dood qorshaysan, oo habaysan, isla markaana tab iyo xeelad aqooneed loo diyaariyey oo waftiga JSL la yimid shirka, maadaama markan aanay ahayn markii ugu horaysay ee madax dalka Soomaaliya soo horfadhiistaan kuwa JSL, isla markaana fagaaraha shirka Djibouti yahay mid ka duwan kuwii hore ee JSL hore kula shirtay xukumadihii hore ee Soomaaliya oo heshiisyo ay la gashay Somaliland si badheedh ah uga baxay.

Daawo khudbada Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo uu ku jeediyey afka Ingiriisiga.

COMMENTS