CABAYS.COM
Jidh-dil qorshaysan oo nafta lagaga jaray khabiir xaga hawada ah oo Reer Somaliland ah
February 20, 2024 - Written by Cabays

Cabays Media- Magaalada Muqadisho ayaa jidh-dil qorshaysan lagu khaarajiyey Cabdisanir Muuse Dahable oo ah mowaadin Reer Somaliland ah, oo ahaa khabiir xaga Duulista iyo Hawada ee maadaarada. Marxuunka ayaa ahaa shaqaale u shaqeeya Hay’ada Duulista Hawada Somalia oo uu uga soo wareegay Hay’ada ICAO oo hore u maamuli jirtay hawada Somalia oo ay Somaliland ku jirto. Marxuun Cabdinaasir ayaa lagu fuliyey garaacsi iyo ceejin cunaha oo lagaga qabtay xadhi.

Sida wararka Muqdisho laga helayo ay sheegayaan, waxa dilku dhacay markii Hay’ada Sirdoonka Somalia ee NISA ay amartay in wax laga weydiiyo marxuunka arimaha hawada iyo sida ay Somaliland ugu guuleysatay in ay ula wareegto, taas oo isaga iyo xubno asal ahaan ka soo jeeda Somaliland loo tuhmay in ay Somaliland ka caawiyeen.

Marxuun Cabdinasir Muuse Dahable ayaa lagu dilay guri uu ka daganaa magaalada Muqdisho habeenimadii qiyaastii ay soo galaysay Axadu ee 18kii bishan labaad ee sanadka 2024ka. Wararka laga helayo dhacdad dilkiisa iyo sawir la helay oo muujinaya qaabkii loo dilay, ayaa sheegaya in nafta lagaga gooyey qaab ciijin ama xadhig qoorta lagaga giijiyey.

Xogaha helayo ayaa waxay sheegayaan in xadhiga marxuunka lagu ceejiyey uu yahay xadhig laga isticmaalo dalka Shiinaha oo dadka ay khaarajinayaan lagu dilo. Xadhiga ayaa la sheegay in uu leeyahay maris sun ah oo marka qofka lagu ciijiyo xadhiga inta ay suntu gasho jidhka uu gooyey xadhigu uu dhakhso u dilo qofka, kadib marka suntu joojiso xidida qaada dhiiga, maskaxduna ka joogsato Oxajiintu.

Dilka marxuun Cabdinasir Muuse Dahable, waxa la tuhunsan yahay in ay fuliyeen xubno u tobobaran dilka noocan oo kale ah.
Wararka laga helayo ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in ay dilkan fulisay hay’ada Somalia u qaabilsan nabad suguda ee NISA, waxayna bilaabeen in ay baabiiyaan wixii raad ah ee muujinaya dilka marxuunka. Marxuunka ayaa qoorta loogu duubay xadhiga dabka ee kumbuyuturka, sida uu muujinayo sawirka la helay. Waxaana laga dhigayaa in uu is dilay isagu.

Hase ahaatee xubno hadda lagu eedeeyey in ay iyagu dileen ama loo tuhunsan yahay oo guriga intiisa kale la deganaa ayaa oo lix qof ka koobnaa, qaarna ay la shaqaynayeen oo maydka arkay markii ay guriga yimaadeen xili dambe, ayaa sheegaya in maydku u muuqday mid la qaadqaaday, isla markaana loo dhigay caw iyo in loo muujiyey mid isagu is dilay.

Hase ahaatee nimankii la dagenaa guriga oo todoba ahaa ayaa mid ka mid ah la sheegay in uu dilka ragii fuliyey ka mid yahay, maadaama aan la qaban, isla markaana lala baxsaday oo Muqdisho laga saaray maalintii shalay ee bushu ahayd 19.02.24.

Dilka marxuun Cabdinasir Muuse Dahable ayaa laga argagaxay. ilaa haddana la is weydiinayaa sobobta loo dilay. Hase ahaatee marxuunka ayaa la tuhmayaa in loo dilay sobobo la xidhiidha arinka dagaalka Hawada iyo Haagista Diyaaradaha oo ay Somalia iyo Somaliland isku haystaan.

Muuqaalo (video) ayaa la sheegay in mudadii la garaacayey ee jidh-dilka lagu waday oo su’aalo la weydiinayey isagoo si axmaqnimo ah loo garaacayo ayaa la sheegay in laga duubay, muuqaalkaas oo ay hayso hay’ada Sirdoonka Soomalia. Wararku waxa ay sheegayaan in marxuunka lagu qabtay koronto, sidoo kalena intii su’aalaha la weydiinayey madax ay kala dhacayeen aalad adag, ka hor intii aan lagu ciijin xadhi sumaysan oo hay’ada NISA ku daldasho dadka ay layso.

Waalidkii dhalay oo uu ugu horeeyo aabihii Muuse Dahable ayaa dalbaday in maydha wiilkiisa loo soo fasaxo oo la keeno Somaliland si ay u aastaan. Hase ahaatee xukumada Villa Somalia ayaa la sheegay in ay amartay in maydka talaagad lagu hayo, waalidkuna yimaad Xamar si loogu aaso. Taas oo xukumad Somaliland iyo qoyska marxuunkuba diideen.

Ilaa hadda lama oga sida uu ku soo afjarmayo arinka dilka foosha xun ee lagula kacay marxuunka oo ah mid argagax galiyey dad badan.

Marxuun Cabdinasir Muuse Dahable
Maydka Marxuunka
Hay’ada NISA oo baabiinaysa wixii raad ah ee dilka marxuunka

Marxuunka Allah ha u naxariisto, samir iyo iimaana ha ka siiyo dhamaan qoyskii iyo asxaabtii uu ka baxay.

COMMENTS