CABAYS.COM
Doorashadii Somaliland oo dib loo dhigay mudo durugsan – Waa goorma
January 25, 2017 - Written by Cabays

Cabays Media:- Dorashadii dalka Somaliland oo la filayey in ay dhacdo bisha saddexaad ee sanadkan 2017-ka ayaa dib loo dhigay kadib markii ay kulan balaadhan ku yeesheen Xarunta Madaxtooyada Somaliland hogaamiyeyaasha saddexda xisbi qaran ee musharaxiinta ka ah doorashadaasi iyo madaxwyenaha iyop ku xigeenkiisa.

Kulankan lagu gorfeeyey dib udhaca doorashada oo ay sidoo kale goob jooge ka ahaayeen Gudida Doorashooyinka Qaranka ayaa lagu go’aamiyey in doorashada madaxtooyada dib loo dhigo ilaa iyo bisha 10naad ee sanadkan ee Octoobar ee sanadkan 2017-ka.

Waxa kale oo kulankaas la isku raacay in doorashada Golaha Wakiilada dib loo dhigo ilaa iyo sanadka bisha Oktoobar ee sanadka 2018-ka iyadoo la is raacinayo lbada gole ee deegaanka iyo wakiilada.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa kulanka madaxtooyada hadal qoraal uu ka akhriyey u jeediyey oo uu uga mahadnaqayo in dhinacayada ay khusayso doorashadu oo uu ku amaanay in ay isla qaateen kulan wada jir ah oo ay iskula ogol yihiin diirashada in dib oo dhigo xaalada dalka ka jirta awgeed.

Kulan ay saxaafad kula hadleen ayey sheegeen in ay isla qaateen in sodaa doorashada dib loo dhigo, isla markaana imika la wada wajaho xaalada adag ee dalka ka jirta ee abaarta oo saamayn ku yeelatay deegaamadii laga qaybnin lahaa aqoonsiyadii codbixiyaasha oo dad badani ka hayaameen deegamadii ay iska duwaan galiyeen.

Guroomiye Cirro oo ugu horayn la hadlay saxaafada ayaa sheegay in uu la qaatay go’aankaas oo uu sheegay in markii hore la isku mari la’aa, waxanu sheegay in uu aad uga mahadnaqayo gudoomiye Muuse Cabdi oo uu sheegay in uu aragti ahaan qabay in mudo ka kooban tan la isla qaatay doorashada lagu qabto.

Gudoomiye Faysal Cali Waraabe  ayaa isna soo dhaweeyey go’aanka ay isla qaateen oo uu ku sheegay in ay dan u tahay shacabiga tabaalaysan.

Gudoomiye Muuse Biixi ayaa sidoo kale sheegay in uu ku raacay go’aankaas oo uu sidoo kale ka rajeeyey in Golaha Guurtidu sidoo kale ay la qaataan.

Dib u dhacan doorasho ayaan lahayn wax qorshe ah oo aan ahayn in la sugo in ay abaartu baxado, isla markaana ma jiro qorshe ay sheegeen oo tilmaamaya sida lo hubindono in ay dadkii abaartu ka bararo kicisay ku soo noqondoonaan deegaamadoodii.

 

COMMENTS