CABAYS.COM
Dowladda Imaaraatka Carabta oo joojisay taageerada ay siin jireen dowladda Soomaaliya
April 16, 2018 - Written by Cabays

Muqdisho(Cabays Media ) Warsaxaafadeed ka soo baxay Imaaraatka Carabta isla markaana lagu daabacay wakaaladda wararka ee WAM ayaa lagu sheegay in dowladda Imaaraatka Carabta ay joojisay tababarkii ciidamada dowladda federaalka ah ee  Soomaaliya, kaasi oo soo bilowday sanadkii 2014-ka ujeedkiisuna ahaa sidii loo kordhin lahaa tayada ciidanka.

Sidoo kale warsaxaafadeedka ka soo baxay Imaaraatka Carabta ayaa lagu sheegay in go’aankaasi uu yimid kadib markii ciidmada amniga qabsadeen diyaarad saarnayd lacag loogu tala galay in lagu bixiyo mushaarka ciidanka.

Dowladda Imaaraatka Carabta ayaa dhanka kale sheegtay in ay sii wadi doonto taageerada ay siiso ciidamada badda Puntland si kor loogu qaado awooda ciidmada u leeyihiin la dagaalanka kooxaha burcad badeeda ah, taasi oo ay kala shaqeenayaan beesha caalamka kuwooda taageera dalka Soomaaliya iyo Midowga Afrika.

Dowlkadda Imaaraatka Carabta ayaa cambaareysay diyaaraddii lagu qabtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, isla markaana lacagtii saarnayd ciidanka dowladda Soomaaliya la wareegeen.

Dalka Imaaraatka Carabta iyo Soomaliya ayaa leh xiriir taarkhi ah oo ku dhisan ix ixtiraam, iyadoo ciidamada amniga imaaraatka Carabta ay tababaro u fidinayeen kumanaan Soomaali ah si kor loogu qaado awooda ciidanka Soomaaliya.

 

Cabays Media – Muqdisho

COMMENTS