CABAYS.COM
Faallo: Doorashada UK Guushee u dan ah Geeska Afrika – Qore C/laahi M. Cali
December 13, 2019 - Written by Cabays

Faallo:  Doorashada UK Guushee u dan ah Geeska Afrika:

Qalinkii Cabdilaahi Maxamed Cali – London, UK

CabaysMarka gudaha dalka UK la joogo guud ahaanba badi dadka soo-galaytiga ah, sida Soomaali, Carabta iwm, waxa ay doorbidaan in uu guuleysto xisbiga Labour ku, marka ay u eegayaan xisbiga doorashadii shalay sida weyn ugu guuleystay ee Conservative-ka.

 

 

Sobobtu ma aha wax kale, waa baqo ay ka qabaan in xisbigaasi u daran yahay dadka danyarta ah iyo dadka soogalaytiga ama dalkan aan asal ku lahayn. Iyo iyagoo aamisan in xisbiga Labour ku yahay mid ka kooban qoomiyado kala duwan. Tan dambe waxbaa ka jira, waxaana markhaati u ah in magaalada London oo ah ta ugu dadka badan oo ay ku nool yihiin in kabadan 8 malyuun oo qof, oo lagu qiyaaso in 44.9% dadka ku nooli yihiin dadka cadaanka ah, in kabadan 300 oo luqadood ayaa guryaha lagaga hadlaa, sida lagu sheegay darasaadii iyo tiro koobkii sanadkii 2000 kii.

London maanta marka la eego khariirada siyaasada waa sidii jasiirad cas oo kale oo ay ku wareegsan yihiin midabka buluuga ah ee xisbiga Conservative ka oo dalka intiisa kale doorashadan quluubtooda kula wareegay laba arimood, waa iyagoo cadaan u badan iyo iyagoo doonaya in laga midho dhaiyo ka bixitaanka Midowga Yurub, waxa gaadhay fariinta Boris ee “Get Brexit Done” oo halku dhig u ahayd ololihiisa,

Markase ay noqoto arimaha Geeska Afrika iyo siyaasadaha xibiyada Labour iyo Conservative, waxa marka la eego 9kii sano ee ugu dambeeyey ee xibiga Conservative UK talada hayey iyo 9kii ka sii horeeyey ee xisbiga Labour-ka, waxa muuqata in labad xisbi u kala furfuran yihiin muujinta muhiimada Arimaha Geeska Afrika oo ay ku jirto ta Soomaalida guud ahaan, gaar ahaan arinka furdaaminta Somalia iyo Somaliland.

Xisbiga Consevative ka ayaa loo qaatay oo gacan-qabad badan ka geystay Somaliland, sida tababarada ciidamada kala duwan, ogolaanshaha baasaaboorka JSL oo dalkna UK lagu yimaad, laguna dago. Iyo taageerada dhanka dhaqaale, sida sanduuqa u gaarka ah JSL ee la yidhaa SDF. Xisbiga Boris Johnson hogaaminayo waxa u dheer, saaxiibtimada dhow ee kooxda ku hareeraysan Boris ee aadka u taageera JSlL,, qaarko haba noqdaan kuw kuwraastoodii ku waayey doorashadan, sida Xildhibaankii uu fanaanka BK ku baaqayeye in la taageero ee Zak Goldsmith oo waax London ka mid ah ka sharaxnaa, Iyo sida gabadha ay wada nool yihiin ee la yidhaa Carrie Symonds oo xidhiidh dhow la leh JSL, horena booqasho ugu ku tagtay.

AMA

Xisbiga Conservative sidoo kale arinka Somalia iyo taageerada xukumada Farmaajo kama maqna, waana ka mid dawladaha aadka u badhitaara Somalia, laakiin wey u kala baxsan yihiin Somaliland iyo Somalia, taana waxa marag u ah sida ay u aqbaleen baasaaboorka JSL iyo siyaasad gooni ah oo ay kula dhamqaan Somaliland.

Somalia tiraba ugu yaraan 3 shir ayey u qabteen, dunidana iskugu keeneen London si Somalia garbaha loo qabto, laakiin Somalia kama faa’iidaysan shirarkaa oo ilaa David Cameron u bilaabay, kii ugu dambeeyeyna Theresa May qabatay.

Marka la xooriyo, Guusha Xisbiga Conservative waa u guul Geeska Afrika, waayo iyagaa ka syaasada wanaagsan furdaaminta airmaha Geeska Afrika ee badan ee ka oogan

Guusha ugu badana waxay u tahay JSL oo xisbigani la lee yahay xidhiidh aad u dhow, oo ay u dheertahay xidhiidhka dahsoon ee military ee ay JSL UK la leedahay, taas oo ay marag u tahay in uu booqasho ku tago wasiirkii Gaashaan Dhiga ee hore, taas oo ah talaabo muujinaysa heerka xidhiidhka jira..

COMMENTS