CABAYS.COM
Faallo Kooban – Halkee la isla marayaa Somalia iyo Itoobiya, Xukumada Muqdisho se ma waabin kartaa Xawaaraha Somaliland?
January 30, 2024 - Written by Cabays

Qormo Gaar ah:-

Cabays Media – Hirdanka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Itoobiya waa mid la iskala dhacay marino culus oo ay ku kala baxeen. Xukumada Villa Somalia waxay raacday khadka wadan cabanaya oo ku dayaamiyey qaylo dhawaaqeeda aan helin dhago badan oo u soo joogsada. Xukumada Xasan Sheekh waxa ay garaacday albaabo badan, sidii uu hore u yidhi “Ha nagu kalifina in aanu albaabo badan garaacno” Madaxweyne Xasan Sheekh.

Hase ahaatee albaabadaas badan ee Villa Somalia garaacaday ma keenin wax kabadan qoraalo badi isku mid ah oo ku qotoma in labada dhinac ee Soomaaliya iyo Itoobiya loo soo jeediyey in ay arinka dejiyaan, wada hadalna ku eegaan muranka ka dhashay talaabada sanadka cusub ee 2024ka ay daaha ka rogeen Somaliland iyo Itoobiya, taas oo aanay jirin wadamo dhaleeceeyey, marka laga yimaad golaha fadhidka ah ee Jaamacada Carabata oo qoraalkiisu hadhaysay arinta Qaza iyo wax ka qabad la’aanta guud ahaanba arinka Falastiiniyiinta.

Soomaaliya tubta ay hayso – Xukumada Xasan Sheekh oo qaadatay siyaasad ah in ay dunida u cabato, isla markaana shirarka ay gasho ka sheegto in Itoobiya ku soo duushay, ayaa haddana qaadatay go’aan ah in aanay Itoobiya talaabo ficil ah ka qaado oo ay kaga jawaabayso, sida in ay erido safiirkii Itoobiya oo isagu iskii ugu noqday Addis Ababa, sida uu sheegay Wasiir-xigeenka Arimaha Dibada Sooomaaliya, safiirkaa Itoobiya “Goortuu doono ayuu soo laaban karaa, bixina karaa.” Sidaa awgeed ilaa hadda cabasho goobo shirar ah oo uu Madaxweyne Xasan sheekh ka jediyo meeyee ma jiro ficil la taaban karo oo ay Itoobiya jawaab uga dhigayaan.

Ficil la’aanta xukumada Xasan Sheekh ee sida in ay erido ciidamada ka jooga Itoobiya gobolada Gado, Koonfur Galbeed iyo Hiiraan, waxa ay dhamaan muujinayaan in Soomaaliya aanay ahayn dal iyo dawlad talaabo ka qaadi karta dalka ay ka cabanayso ee Itoobiya ee ay haddana shirarka caalamiga ah kaga cabanayso. Soomaaliya waxa ay muujisay in ay ku ilko beelayso arinka Somaliland iyo Itoobiya, waana sobobta aanay u qaadan talaabo ficil ah oo ay kaga jawaabayso arinkan Somaliland ee Itoobiya horseedka ka noqonayso aqoonsi buuxa oo ay hesho.

Waa nuxurkii warbixintii Midowga Afrika ee Somaliland yimid sanadkii 2005tii.

Golehee ayuu tagayaa arinka Somaliland iyo Soomaaliya- Dib-uqoonsiga Somaliland ee madaxbanaanideedu waa mid goldaha la isku dhigi doono aqalka Afrika looga taliyo ee xaruntiisu tahay Addis Ababa. Xukumada Muqdisho xaalku wuu ka baahsan yahay, mana hayso tiro Afrika ah oo wadamo ah oo hakin kara heshiiska Somaliland & Itoobiya oo ay xudun u tahay aqoonsi buuxa oo ay Itoobiya ku aflaxdo, iyadoo ay raacinayaan iyaguna dhawaaq aqoonsi tiro wadamo ah oo ay horeba Itoobiya uga dhamaysay. Ururka Midowga Afrika oo sanadkii 2005 Somaliland u soo diray gudi xaqiiqo raadin ah, kuwaas oo soosaaray warbixin dheer oo ku qotonta xaqiiqada midowgii Somaliland iyo Soomaaliya iyo sida aanay ugu fadhiyin sharciyad badali karta kala ahaansihii hore ee labada dawladood oo kala midba dhankeeda u heshay madaxbanaanida.

Soomaaliya waxa ay isku wajihidoonaan Somaliland Golaha Midowga Afrika, maadaama dunidu horeba u sheegtay in arinka Somaliland uu yahay mid u yaal Afrika. Waana mid wakhti inaga xigo in Soomaaliya iyo Itoobiya iska sii lulnaanayn, balse arinku noqon doono mid Somaliland iyo Somaaliya oo loogoleeyo, waa haddii ururka Afrika ogolaadoba in si siman loo dhageysto. Hase ahaatee waxa xogaha la helayaa sheegayaan in Soomaaliya aanay Golaha Afrika ilsa gaadhayn Somaliland.

Ololaha horeba ay u bilowday xukumada Itoobiya iyo saamaynta ay ku leedahay Afrika waa mid albaabo badan ka soo oodaya Soomaaliya, waana kuwo u furay Somaliland durba, isla markaana aqoonsiga Itoobiya ee Somaliland aan kali kaga dhigayn, balse ay ku wehelinayaan wadamo badan oo qaarkood saamayn weyn ku leh Afrika. Golaha Afrika waxa uu umuuqdaa mid u salaxan Somaliland, sobobo badan awgood. Golaha AU ma noqon doono mid guul ay ka filayso Soomaaliya, waana sobobta ugu yutuday ka cabashada fagaarayaasha siyaasadeed ee arimo kale la iskugu yimid.

Xuduuda dhuleed Somaliland iyo Soomaaliya oo aan ka hor imanayn Xeerka AU ee qeexaya xuduudihii laga dhaxlay isticmaarka.
Waa khariida Rasmiga ah ee Soomaaliya

Somaliland waxa ay heshay fursad qaali ah oo aanay goynayn Villa Somalia qiimihii ay kaga hortagi lahayd, si katoo ay ugu faanto in iyada la aqoonsan yahay. Xawaaraha Somaliland ku dhaqaaday diblomaasiyad ahaana waa mid aanay lahayn Soomaaliya mid la mid ah oo ay ku horqabatayn karto.

Waxa la sugaaba waa dayaan kale oo bisha labaad ee sanadkan 2024ka oo aan sidaa u sii fogaybn uu noqdo mid mar kale gilgila Villa Somalia, abuurana jawi fara-ka nax ah oo aan lagu dhiman, bale ku murugoodaan nacabkii mooday in sanadki 2023kii ahaa soo afjarkii Somaliland.

Cabays Media

COMMENTS