CABAYS.COM
Farmaajo Oo Amray Qorshe Lagu Xakameynayo Tirada Askar Ka Mida Qabaa’ilka Qaar Ee milatariga Soomaaliya
April 4, 2019 - Written by Cabays

Muqdisho (Cabays) – Saraakiisha ciidamada milatariga Dalkaasi Soomaaliya ka tirsan ayaa billaabay inay fuliyaan amar ka yimid madaxweynaha Dawladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo lagu xakameynayo in beelo ka mid ah qabaa’ilka Soomaaliya ay ku bataan ciidamada, sida ay ogaadeen qaar ka mid ah warbaahinta Muqdisho.

Sida saraakiil milataru ay u sheegeen Shabakadda Caasimadda oo aanu ka soo xiganay warbixintan, qorshaha madaxweynaha ayaa waxaa uu si gaar ah u taabanaya ciidamada kasoo jeeda beelaha Hawiye, oo ah kuwa ugu badan milatariga.

Madaxweynaha ayaa amray dhowr tallaabo oo lagu yareynayo ciidanka beelaha Hawiye, islamarkaana lagu badinayo ciidamada kasoo jeeda beelaha kale, si loo miisaamo in beelaha ay ku dheggan yihiin ciidanka.

Dhammaan ciidamada cusub ee loo qorayo milatariga Soomaaliya, ayaa ayada oo la fulinayo amarka madaxweynaha, waxaa laga joojiyey dadka kasoo Hawiye, maadaama ay horey ugu badnaayeen ciidanka. Waxaa la rumeysan yahay in ku dhowaad 60% ciidamada milatariga dowladda ay yihiin Hawiye.

 Waxaa sidoo kale qorshahan qeyb ka ah in ciidamada horey ugu qornaa dowladda ee beelaha Hawiye la xaqiijiyo inaysan darajo sare ka gaarin ciidamada.

Sida ay saraakiil sare noo sheegen, ciidamo cusub oo gaarayey 50 kuwaas oo dhowaan kasoo laabtay dalka Uganada oo tababar ay kusoo qaateen islamarkaana waxbarashadooda ay tahay ilaa heer jaamacadeed, ayaa madaxweynaha uu siiyey darajada hal xidigle, inkasta oo xaq ay u lahaayeen laba xidigle sida ku cad xeerarka milatariga.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in madaxweynaha uu ka cabsi qabo in maadaama ciidamada ugu badan dowladda ay yihiin Hawiye, haddii darajooyin sare ay helaan ay taas keeni karto in mustaqbalka dhow, sida 10 sano kadib, ay hoggaanka ciidanka wada nqodaan Hawiye, maadaama saraakiishi hore ay da’ wada noqonayaan, qaarkoodna ay geeriyoonayaan.

Waxaa sidoo kale, la yareeyey in saraakiisha Hawiye la siiyo jagooyinka sare sida Kolonel iyo Jeneral, ayada oo aadna loo xadiday inay xilal muhiim ah ka qabtaan ciidanka.

Sidoo kale, ciidamo ka mid ah kuwa dowladda Soomaaliya, oo dhowaan Turkey loogu qaadayo tababar ayaa laga reebay dhamaan ciidanka kasoo jeeda beelaha Hawiye, kadib amar ka yimid madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu ku dooday in ciidamadiii horey ay usoo tababareen Turkiga ay u badnaayeen Hawiye, sidaas darteedna ay tahay in laga reebo markan.

Saraakiisha la hadlay shabakadda Caasimada Online ayaa sheegay in inkasta aysan wax ku jabneyn in ciidanka laga qeyb-galiyo beelaha Soomaaliyeed oo dhan, haddana marka la eego xilalka ay mudan yihiin xubnaha ciidanka ee Hawiye, iyo tababarada wanaagsan oo laga hor-istaago ay tahay arrin sax ahayn.

Warbaahinta Cabays.com

Xafiiska Wararka Hargeysa

COMMENTS