CABAYS.COM
Farmaajo & Xeeladihiisa mudo korodhsiga ah – Uuraysataye bal waxay dhasho aynu eegno!
August 21, 2020 - Written by Cabays

CabaysQoraal Xul ah – (Qalinkii  Ibrahim Caydii – Ustaraaliya)  –  

Madaxweyne Farmaajo qorshihiisa ugu muhiimsan ama talaabada koowaad ee uu doonaayaa waa mudo korodhsi taas oo kaartooyinkiisana uu kolba badelaayo oo kolba dhan uu kaga imanaayo cida ay ku murmayaan oo ah labada Maamul Goboleed ee arintaas kaga soo horjeeda & asxaabta saamilayda ee Muqdusho fadhida.

Farmaajo Maamul Goboleedyada Hawiyaha & Raxamwayntu waa maamulo isaga gacanta ugu jira oo hadana uu ku sheego Maamul Gobaleedyo, sidoo kale Golaha shacabka ama Wakiiladu Gudoomiyihii hore ee Jawaari dabadii ayaguna jeebkiisa ayey ku jiraan oo waa qaar sida uu doono uu ka yeeli karo, waxaa kale oo ayaga laftoodu ay rabaan mudo kordhisi ay kula sii shaqaystaan Faarmaajo.

Cida kaliya ee Farmaajo ku fahamsan xeeladihiisa waa labada Maamul ee Jubaland & Puntland oo isku xidhan kuwaas oo diiday oo shuruud ku xidhay inay ka soo qayb galaan Shirkii Dhuusomareeb.

Shirkii Dhuusomareeb oo ay ka maqanaayeen labada Maamul Goboleed ee Jubaland & Puntland wuu qabsoomay cida isugu timina waxay ahayd qaar uu Farmaajo ugu yeedho inay Maamulo yihiin laakiin ah qaar isagu uu samaystay oo ah Farmaajo groups.

Shirkii ay Farmaajo iyo Kooxdiisu ay isugu yimaadeen ee Dhuusomareeb waxaa ka soo baxay 17 Qodob oo ay leeyihiin waanu ku heshiinay iyada oo cid heshiisay aanay jirin oo ay ka maqan yihiin Maamuladii ugu muhiimsanaa ee marka horeba la is hayey & mucaaridkii Xamar fadhiyey.

Waxaynu ognahay oo hubaal ah kooxda Dhuusomareeb hada wax soo saartay inay ahaayeen qaar marka horeba uu Farmaajo wato oo waxay isku hayeenba aanu jirin oo uu isagu wuxuu rabo ee kasta uu u yeedhiyo, kooxda Dhuusomareeb ee farmaajo waxay sheegeen inay isla qaateen wax ay ugu yeedheen (Doorasho dadban)

Farmaajo waxaa u qorshaysan “Xayd ma la ilaabay”

Xeeladaha Yuhuuda ee dhulka Falastiin ayaan wax idiinka iftiiminayaaye Israel mar walba waxay Falastiin ka qabsataa Dhul cusub oo hor leh, mar kasta oo wada hadal dhex maraayo labada dhinacna Israel dhulkii hore ay u qabstay ee ay deegaamaysay lagulama hadlo ee waxa danbe ayuun baa laga wada hadlaa because kii hore waa lagu kala hagaagay ee Deegaamaynta cusub ee ay markaas wado ayuun baa laga qayliyaa oo uu muranka danbe noqdaa.

Farmaajo hada waxa uu rabaa in 17ka qodob ee gacan ku rimiska ah ay u ansixiyaan Golihiisa Wakiilada ee isaga jeebka ugu jiraa, taas ka dib waxay hadana odhan doonaan markaanu eegnay ee aanu ka fikirnay Doorashada dad-bani inaanay ku dhacaynin wakhtiga yar ee Xukuumada u hadhay waxaa lagama maar-maan ah mudo kordhin ugu yaraan Sanad ah.

Waxay qalinka ku duugi doonaan mudo kordhin ugu yaraan Sanad ah, marka intaasi ay dhacdo waxaa ka danbayn doona hadal & muran lagu diidan yahay mudo kordhinta & qaabka doorashadu ay u dhici doonto, dabadeed hadana waa la dhex-dhexaadin doonaa.

Hadal & muran badan ka dib heshiiskooda dhinacayada iska soo hor jeedaa waxa uu noqon doonaa kii Falastiin & Israel ee saacadaas waxa taagan uun laga wada hadli jiray, ugu danbayn aniga qiyaastayda Farmaajo mudo kordhintu way u suura gali doontaa isaguna waxa uu ogolaan doonaa qaabka ay doorashadu u dhici doonto in dib loogu dhex-dhexaadiyo maadaama ay u suura gashay mudo kordhintii uu marka horeba rabay.

Sideedaba marka taariikhda dib loo raaco Madaxwaynayaasha Hawiye marka xiligoodu dhamaado kuma dhegaan kursiga markaad taariikhda dib u raacdo ilaa Aadan Cadde & ilaa Xasan Sheekh oo Farmaajo uun ka horeeyey laakiin Qolada kale culays la saaro & xabad waxaan ahayn kagama tagaan Kursiga tusaale….

1) Cabdirashiid Cali Sharmaarke waa la dilay.
2) Maxamed Siyaad Barre Xabad ayaa lagaga saaray.
3) Cabdilahaahi Yuusuf Axmed culays aduunku saaray ayaa lagaga qaaday

4) Farmaajana Culayskii Caalamku saaray ayuu iska indha tirayaa oo Xabad lagaga saaro mooyee lagama yaabo inuu ciyaar kaga tago.

 

Image may contain: 1 person, suit
Image may contain: 1 person, text that says "EL DISC ER FUTURE FO NS S ALIS S RESS MA"

 

Xaji Ibrahim. Australia

COMMENTS