CABAYS.COM
Ganacsade Cabdiraxmaan Boore Oo Safar Ku Yimid Magaalada Hargeysa Iyo Xukuumadda Somaliland Oo Qarisay
April 25, 2018 - Written by Cabays

Madaxtooyada ayaa ka fekeraysa saamaynta uu Cabdiraxmaan Boore ku Yeelan Karo Xidhiidhka Somaliland iyo Jabuuti

CabaysHargeysa(Cabays Media) –Waftigii ay dhawaan Madaxtooyada Somaliland sheegtay inay ku qaabishay qasriga madaxtooyada ee ka socday dalka Imaaraadka Carabta ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa ganacsadaha reer Jabuuti ee ku nool wadanka Imaaraadka Carabta.

Sida ay baahisay shabakadda wararka ee qarannews waftigan oo ka koobnaa dhawr iyo toban xubnood oo aanay madaxtooyadu mansabka ay hayaan aanay sheegin, ayaa lagu sababeeyey in Ganacsade Cabdiraxmaan Boore oo ka mid ahaa waftigan awgii loo muujin waayay imaanshiyaha waftigan iyo nooca ay yihiin.

Cabdiraxmaan Boore waxa laga mamnuucay dalka Jabuuti oo uu ka soo jeedo, halka Madaxwayne Muuse Biixi iyo Ismaaciil Cumar Geelle uu ka dhexeeyo xidhiidh heer sare ah oo dhinacyo badan ah isla markaana uu markii la doortay si weyn ugu soo dhaweeyey dalka Jabuuti.

Ganacsade Cabdiraxmaan Boore waxa uu qayb ka yahay sherkadda DP World ee heshiiska la gashay Somaliland, waxaanay madaxtooyadu u aragtay inuu caqabad ku noqon karo xidhiidhka u dhexeeya Jabuuti iyo Somaliland.

Sidoo  kale wararka lagu baahiyey warbaahinta maxalliga ah ee Somaliland ayaa sababta waftigan macluumaadkiisa loo qariyey ku tilmaantay inay ahayd sababo amni maadaama saraakiil ciidan iyo khubaro millatari ka mid ahaayeen waftigan aan macluumaadkiisa la hay nee Imaaraadka ka socday.

Ugu dambayn waftigan ayaa la filayaa inay maanta oo Arbaca ah dalka dib uga dhoofaan kadib saddex maalmood oo ay Hargeysa ku sugnaayeen, iyagoo kulamo la qaatay masuuliyiinta Somaliland qaarkood.

COMMENTS