CABAYS.COM
Ganacsade Cabdiraxman Boore oo lagu casuumay Hargeysa xuska 18 May ee sanadkan
May 13, 2016 - Written by Cabays

Cabays

 

Cabays Media:-

 

Warar rasmi ah oo soo gaadhaya Cabays Media  ayaa sheegaya in xukumada Somaliland si ramsmi ah u casuuntay Ganacsade C/raxmaan Boore oo hogaamiya, isla markaana maalgaliya Mucaaridka Djibouti in uu ka soo qaybgalo maalinta xuska 18 May ee ugu weyn oo lagu qabanayo caasimada Jamhuuriyada Somaliland ee Hargeysa.

Sida ilaha u waramay Cabays Media ay sheegayaan, waxa martiqaadka soo dedejiyey qaabkii xukumada Djibouti ula dhaqantay madaxweyne Siilaanyo caleemo saarki 4aad ee loo sameeyey madaxweynaha Djibouti Ismaaciila Cumar Geelleh oo xukumada Somaliland iyo shacbigeedu aad uga xumaadeen haybadii uu mudnaa madaxweyne Siilaanyo oo meeqaam hoose ka yeeshay xukumada Djibouti.

Sidoo kale waxa wararka Cabays Media soo gaadhayaa ay sheegayaan in casuumida ganacsade C/raxaman Boore ay soo dedejisay isagoo qayb laxaadle ka qaatay in DP World ku dhiirato in ay Somaliland la gasho heshiiskii maalgashi ee ugu weynaa ee ay abid JSL la gasho shirkado shisheeyo. C/raxamaan Boore waa maalqabeen dagaal isku adeegsiga sharciyada caalamiga ahi ka dhexeeyo madaxweyne Geelleh oo dacwado ku furay si loo xayiro hantidiisa.

Xukumada Abu Dhabai oo ay aad iskugu dhawaayeen  madaxweyne Geelleh iyo ganacsade Boore xiliyadii hore ayaa heshiis uu ka soo shaqeeyey C/raxmana Boore hore u horseeday in DP World ay maalgashigii ugu weynaa Afrika da Bari ay ku samaysay dalka Djibouti, isla markaana u dhistay dekedo caalami ah. Hase ahaatee ilaaqaadki ganacsade C/raxman Boorre iyo madaxweyne Geelleh oo heer -qadhaadh gaadhay ayaa waxa uu sidoo kale saameeyey DP World oo uu isku roagy Geelleh, isla markaana amray in DP World dib gacanta ugu soo galiso dekedihii casriga ahaa ,sida Dooraale, ee ay u dhistay, isagoo ku eedeeyey in ay lacago sifo wax-is-daba-marin- ah uu kaga lacageeyey ganacasade Boore hirgalintii dekedaha casriga ah ee Djibouti ee ay dhistay DP World.

Sawirkii Ina Boore lagu arkay in uu waftigi SL Dubai la socday

Sawirkii Ina Boore lagu arkay in uu waftigi SL Dubai la socday

 

Sanadki 2014kii oo xukumada Djibouti soo saartya war bayaaminaya in ay DP World dacweynasyo, isla markaana Magaalada London ka furatay dacwad ka dhan ah, ayaa ilaa iyo hadda wax socda dacwadii, inkastoo DP World wali gacanta ku hayso dekedihii ay dhistay, walina aanu keeskoodi dhan u dhin, isla markaana ay Djibouti u qaamaysan tahay DP World oo aanay celin karin lacagtii kaga baxday dhismaha Daaroole oo kali ah.

Hase ahaatee marti qaadka ganacsade C/raxamana Boore ayaa horu dhac u ah astaan tilmaamaysa in Somaliland iyo Djibouti xidhiidhkoodi uu nabar-gaadhay, isla markaana bogg cusub oo khilaaf-siyaasadeed oo labad dhan cadaysanayaan uu haatan soo baxayo. Lama hubo sida uu uga jawaabi doono Ismaaciil Cumar Geele oo aan ka gam in soo hadal qaadka C/raxmaan Boorre oo isagu ah ka kali ah ee mucaridada maalqabeen ah ku haya hogaamiya xilka ku dhagay ee Djibouti.

Soo marti qaadka Ina Boorre ayaa sidoo kale khalkhal galiyey ganacsato uu ka mid yahay Ina Aw Siciid oo la sheegay isagoo marki horeba geeska galiyey heshiishka Somaliland iyo DP World ee dekeda Berbera, ayaa waxa uu ka war hekay marti qaadka loo fidiyey ganacsade C/raxmaan Boorre, kaas oo uu xukumada Siilaanyo ka dalbaday in ay ka noqoto, isla markaana laga fiirsado, laguna deg degin heshiiska DP World, xili Djibouti ay isla il daran yihiin.

Hase ahaatee marti qaadka Ina Boorre iyo heshiiska DP World ee JSL ayaa tijaabo u ah xidhiidhka ganacsade Ina Aw Siciid iyo Ismaaciil Cumar Geelleh oo uga fadhiya in uu saamayntii siyaasadeed ee uu ku lahaa kaga furdaamiyo mawjada cusub ee doorkan isku soo duwday Ina Boorre, DP World iyo Somaliland oo ah saddexda ugu daran ee aanu liqi karin Inna Geelleh.

Xidhiidhka qarson ee xukumada Somaliland iyo ganacsade Ina Boore ayaa daaha ka rogmay todobaadkii hore markii sawir aan loogu talo galin uu ka soo muuqday Ina Boorre xili waftiga Somaliland ku gudo jiro heshiiskii DP World oo uu la socdo waftiga.

Xukumada Somaliland ayaa la filayaa in ay dafirto imaanshaha Ina Boore ama ay kaba aamusto, hase ahaatee sida la filayo ma muujin doonbto xidhiidhka Djibouti oo uu saameeyey dagaalka cusub ee loogu magac daray Dagaalka Cusub ee Dekedaha  ( The new war of ports) oo maalmahanba faaqidayaasha caalamigu ka hadlayeen, sida uu u saamayn doono Somaliland, Djibouti, Masar, Imaaraadka iyo dalka Itoobiya oo looga baqayo mid laga go’doominayo isticmaalka dhul-xeebeedka ay ka xigaan Somaliland iyo Dijouti.

Waxa la eegaa soo xaadirka ganacsadee C/raxmaan Boore oo la sheegay in uu martiqaad iyo soo galbinta uu magaalada Dubai uu wakiilka Somaliland ee Imaaraadka, Baashe Cumar ay wada yimaadaan iyo waxa ay kaga jawaaabto dalwada Dibouti oo horeba hoos u ogayd xidhiidhka, lana odhan karo waa sobobtii ay madaxweyne Siilaanyo masabkii uu ka filaayey ugu diiday maalintii caleemo saarka Ina Geelleh.

 

La soco wararkan oo wixii ka soo kordha oo aan soo dhajinayno.

 

Cabays Media

Dubai- UAE.

COMMENTS