CABAYS.COM
Guddida Arrimaha Guddaha Ee Golaha Wakiillada Oo Laalay Kootadii Haweenka
August 30, 2020 - Written by Khalid King

(Cabays Media) Guddi hoosaadka Arrimaha gudaha iyo Nabadgalyada ee Golaha Wakiillada Somaliland ayaa Shalay Gole-weynaha Wakiillada u gudbiyey isla-markaana soo bandhigay Wax ka beddel ay ku sameeyeen Xeerka doorashooyinka, waxayna soo jeediyeen in qodobbada ay wax ka beddelka ku sameeyeen sidaa lagu ansixiyo.

Qoddobada ay wax ka beddelka ku sameeyeen isla-markaana Farqadihiisa qaarkood wixii ay dhigayeen Laaleen waxa ka mid ah Qodobka 76-aad ee Xeerka doorashada, kaasi oo Farqaddiisa 5-aad ka hadlaysay Kuraasta Kootada ah ee Haweenka loo qorshaynayo, balse Guddida Arrimaha guddaha ee Golaha Wakiilladu, waxay sheegeen inay laaleen Qodobkaasi, maadaama uu ka hor im

Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha gudaha ee Golaha Wakiillada Xildhibaan Cabdillaahi Balaaki oo Golaha u faahfaahinaya qodobbada ay wax ka beddelka ku sameeyeen iyo kuwa ay laaleen, waxa uu yidhi,  “Qodobka 36-aad Farqaddiisa koowaad ‘Xuquuqda Xorriyadda iyo waajibaadka uu Dastuurku uu xaqiijiyey, Haweenku way ula siman yihiin Ragga wixii Shareecada Islaamku midkood u gaar yeeshay mooyaane.” Ayuu yidhi Xildhibaan Ballaaki.

 

 

Xildhibaan Cabdillaahi Ballaaki oo soo xiganaya Dastuurka, waxaanu intaa ku daray “Guddiga waxa u caddaatay in qodobka 76-aad Farqaddiisa 5-aad iyo Qodobka 18-aad Farqaddiisa 2-aad iyo 3-aad ay ka soo horjeedaan Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland ogolayna wax kooto la yidhaahdo, siinayana xuquuq siman Muwaadiniinta Somaliland, sidaasi darteed waxa la laalay Qodobbada 76-aad farqaddiisa 5-aad iyo qodobka 18-aad Farqaddiisa 2-aad iyo 3-aad.”

COMMENTS