CABAYS.COM
Guddida Dooraashooyinka Somaliland Oo Bilaabaya Diiwaan-gelin Tijaabo Ah
August 30, 2020 - Written by Khalid King

(Cabays Media)- Guddida doorashooyinka Qaranka Somaliland,  ayaa dhammaadka todobaadkn diwaangelin tijaabo ah ka bilaabaya gobollada Hawd iyo Daadmadheedh.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa ku bogaadiyey guddida doorashooyinka qaranka Diiwaangelinta casriga ah ee codbiyeyaasha ee tijaabada ah, waxaanu sidan ku sheegay qoraal uu soo dhigay barta uu ku leeyahay Facebook-ga

 

“Waxa aan ku bogaadinayaa Komishinka Doorashooyinka Qaranka [KDQ] in ay ka bilaabayaan Arbacada 2da September 2020ka, Gobolka Daadmadheedh Magaala Madaxdiisa Oodweyne iyo Gobolka Hawd Magaala Madaxdiisa Balligubadle Diiwaangelinta casriga ah ee codbiyeyaasha oo tijaabo ah” ayuu yidhi

 

20200831_003814

 

 

 

 

 

Cabaysmedia.

COMMENTS