CABAYS.COM
Guddida Maamul Wanaaga Oo U Kur-galay Hanaanka Shaqo Ee Wasaaraddaha Dawladda
September 8, 2020 - Written by Khalid King

(Cabays Media) – Masuuliyiinta Guddida maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuq-maasuqa Somaliland, ayaa soo kormeeray Wasaaraddaha Ciyaaraha, Xannaanada Xoolaha iyo Waxbarashada.

Masuuliyiintaas oo uu horkacayey Guddoomiyaha guddida maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuq-maasuqa Dayib Aadan Xaaji Cali ayaa kormeerkooda waxa ay ku soo mareen Wasaaradaha dhallinyarada iyo ciyaaraha, xannaanada xoolaha iyo horumarinta kalluumaysiga, iyo waxbarashada iyo Sayniska ee Somaliland, ugu horeyn waxa warbixin halkaas ku siiyey xubnaha ka socday guddida maamul wanaaga Agaasimaha guud ee wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha Maxamed Siciid Khaawi, oo sheegay in ay shaqaalaha ay ka masuulka yihiin kula xisabtamaan ilaalinta wakhtiga, wuxuuna u mahadceliyey masuuliyiintaas komeerka ugu tagay, isaga oo intaas ku daray in ay dareemayaan ka masuuliyiin ahaan iyo shaqaale ahaanba in lagula xisaabtamayo hawsha ay qaranka u hayaan.

Sidoo kale, Wasiirka wasaaradda xannaanada xoolaha iyo horumarinta kalluumaysiga  Siciid Sulub Maxamed, oo guddidaas maamul wanaagu xafiiskiisa kula kulmeen ayaa u mahadnaqay guddida maamul wanaaga isla markaana ku bogaadiyey gudashada waajibaadka ay qaranka u hayaan,  wuxuuna wasiirku sheegay in ay talaabo ka qaadaan shaqaalaha ka habsaama wakhtiga shaqada, isaga oo intaas raaciyey intii uu  wasaaraddaasi  joogay in ay wax ka bedel ku sameeyeen wakhtiga shaqaaluhu shaqada soo galayaan iyo wakhtiga ay ka baxayaan.

Waxa kale, oo ay guddida maamul wanaagu booqasho ku tageen wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Somaliland, oo uu warbixin ku siiyey Agaasimaha tacliinta sare Axmed Muuse Muruud, oo sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in guddida maamul wanaagu ku soo booqdaan xarunta wasaaradda waxbarashada iyaga oo ku guda jira hawlaha shaqo ee ay qaranka u hayaan, waxaannu tilmaamay muhiimada ay leedahay ilaalinta wakhtiga shaqadu, isaga oo xusay in bulshooyinka caalamku ay kula horumareen sida ay ugu kala badan yihiin ilaalinta wakhtiga shaqadda.

 

 

Cabays news.com

COMMENTS