CABAYS.COM
Gudomooiye Faysal Caliwaraabe oo ka digay been abuurka lagu hayo JSL
August 25, 2021 - Written by Cabays

CabaysCabays Media (London- UK) Gudoomiyaha Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka ee Jamhuuriyada Somaliland, mudane Faysal Cali Waraabe oo socdaal ku soo gaadhay dalka UK ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada London.

Xubno ka tirsan xisbiga UCID iyo kuwa jaaliyada Somaliland ee UK, iyo sidoo kale Xisbiga Waddani oo ay wadaagaan Isbahaysigii xiligii doorashooyinkii Golaha Wakiilada iyo Deegaanka JS, ayaa si weyn ugu soo dhaweeyey gudoomiye Faysal magaalada London.

Markii uu  soo gaadhay garoonka Heathrow ee London oo uu Gudoomiye Faysal Cali Waraabe la hadlay saxaafada ayaa uu sheegay in socdaalkoodu yahay kulan balaadhan oo jaaliyada u furan oo Isbahaysigu qabanayo.

Screen Shot 2021-08-25 at 17.37.57

Gudoomiye Faysal oo ka hadlay xaaladii doorashooyinkii iyo arimaha maalmihii ugu dameebey taagnaa oo ay ugu weyn tahay arinka Jaamacada Barwaaqo University oo weerar afka ah lagu qaaday, ayaa yidhi:

“Waa la inagu soo duulay, waad arkaysaa maanta guushii aan keenay ee aduunkoo dhami inoo soo jeedsaday waadiga arkaya in durba la xaaraatimiyo….iftiinkii inoo baxaba waxa la doonayaa in la dumiyo, yaa la isticmaalayaa qaar inaga ah”

Sidoo kale isagoo la hadlayey qurbejooga Somaliland waxa uu ku dardaaraay in ay u dadaalaan dalkooda., waxaanu yidhi “Diasporo (Qurbejooga) waxa looga baahan yahay in ay gacmaha isqabsadaan, albaab kasta garaacaan, inkaas oo wadan ayaan joognaaye aan lobby u samaysano.. laga baxo ficilka hoose waxa aan doonaynaa in la midoobo Isha Allah tacaalaa”

Screen Shot 2021-08-25 at 17.39.18

Screen Shot 2021-08-25 at 17.39.57

 

Gudoomiye Faysal Cali Xuseen ayaa sidii caadada u haayd shacbiga Somaliland uga digay kuwo ku duulaanka ah qaranimadaooda, waxaanu sheegay in uu doonayo in ay dadka Somaliland meel uga soo wada jeestaan cadowga ku soo duulay.

Kulan balaadhan oo Isbahaysiga UCID iyo Waddani abaabuleen ayaa lagu qabanayaa London, kaas oo la filayo in Gudoomiyaha X. Waddani isna ka soo qaybgalo.

 

 

 

COMMENTS