CABAYS.COM
Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Muxuu UCID Ku Doorsaday Muxuuse Muxaafid Ku Noqday?
February 18, 2015 - Written by Cabays

Dadkoo aad u dareemay in gudoomiye Faysal Cali Waraabe dabciyey xili xusbigiisu kordhiyey mucaaridnimada.

Cabays ( Faaaqidaada Siyaasiga iyo Siyaasadda) Xusbiga UCID waa xusbiga ugu da’ada weyn saddexda xusbi ee Somaliland ka jira, waana xusbigii ugu horeeyey ee Somaliland laga sameeyey intii ka dambaysay xornimadii ee sanadkii 1960kii, isla markaana horseeday in Somaliland yeelato nidaam xusbiyo ah oo ku maanta ku kooban saddex. Waana xusbi uu aas-aaskiisa iyo u soo dhabar adaygiisa uu mudane gudoomiye Faysal Cali Xuseen (Cali Waraabe) la odhan karo waa kaga dan seegay tii shaqsi, maadaama ay ka ahayd mabda iyo wadaniyad in uu dalka Somaliland wax u qabto.
Gudoomiye Faysal Cali Waraabe oo hangoolkii uu qaatay sanadihii ugu adkaa ee Somaliland in uu dalka is garabtaago, waxa uu hore iskaga soo sharaxay jagada madaxtinimo xusbigaas oo uu isugu yahay odaygiisa tirba saddex jeer.

Marka aad maqasho magaca UCID waa khasab in Faysal Cali Waraabe isna ku horyimaad, waayo meel ay ku kala hadhayaan ma jirin, hase ahaatee doorkan iyo xiligan la marayo xusbigii UCID ee Faysal lagu ogaa ma aha kiii hore, gudoomiye Faysal kii UCID ahaana ma ah kii hore.

Si aynu uga jawaabno su’aasha horu dhaca u ah qoraalkan waxa mudan in aynu fahano labada isbadal ee ku yimid UCID iyo gudoomiyihiisii, waayo waa halka ay fadhido jawaabta inagu aroorinaysa helista xaqiiqada jirta. Ka sockow labadii jeer ee uu guuldarada kala kulmay doorashooyinkii madaxtinimo gudoomiye Faysal Cali ilaa sanadkii 2003 waxa la dareemayey in xubnaha xusbiga UCID ay hoos u sii dhacyeen, isla markaana xusbigu noqday mid ay xawaare ku dhaafeen xusbiyadii ka da’ada yaraa, waxaana xusbigu galay kawaan halis ku noqday in uu ku gawracmo, kagana baxo saaxadii xusbinimada, ka hor intii gudoomiye Faysal lagu qancin in uu dhan isku taago oo meesha u baneeyo dhiig cusub. Dhiigaas cusubi waa labada musharx ee Jamaal Cali Xuseen iyo Cabdirashiid Cali Mataan oo hogaankii xusbiga ee cusbaa noqday, kana saaray UCID kawaankii lagu qali lahaa, isla markaana galiyey aduun badan si mar kale mudo toban sano ah oo cusub UCID u noqon lahaa mid ka mid ah saddexda xusbi qaran ee maanta aynu ognahay, kadib markii xukumada Kulmiye dib u furay ururada siyaasada ee xusbi noqon kara, taas oo uu gudoomiye Faysal sida fiinta uga ciyey, waayo waxa uu qabay walaaca ah in UCID soo bixi karo iyo in kale, hase ahaatee la’aantood hogaanka cusub ee UCID gudoomiyenimda Faysal waxa laga yaabaa, oo ay u badnayd in ayna soo dhaafteen sanadkii 2012-kii.

 

Fysal

Xusbigii sidaa ahaa waxa uu ku ixtiraamay gudoomiye Faysal Cali Waraabe gudoomiyenimadii uu la soo fadhiyey ilaa aas aaskii suxbiga ee mudo ka badan haatan saddx iyo toban sano ku dhow. Taa iyo xaalada lagala soo dabaashay UCID ee aanu Faysal ka soo saareen, waxa badalkeeda gudoomiye Faysal laga filayey in uu dhankiisa dhaxda xidho, dardarna galiyo xusbiga UCID, hase ahaatee labadii sanadood ee ugu dambeeyey oo la filayey in gudoomiye Faysal la jaan-qaado dhiiga cusub iyo fursadaha cusub ee UCID doorkan u muuqda in ay guuli u dhowdahay, ayaa u muuqda in isla xusbigii uu intaa ku soo tabcayey markii uu musharaxnimadii isagu waayey in uu lugta jiidaydo.
Waa kuwee dhacdooyinka tusaalaha u ah in gudoomiye Faysal isla xusbigiisii la hadhayo?
Bishii koobaad ee sanadkan 2015ka waxa ay si rasmi ah u daah furtay heerka uu gudoomiye Faysal Cali ka taagan yahay UCID iyo sida uu u mijo xaabinayo xusbigiisa. Todobaadkii ugu horeeyey ee bishaa koowaad wax safar deegaamada howdka ee dhanka bari ee gobolada Somaliland socdaal ugu baxay gudoomiye Faysal iyo ka saddexaad Cali Guray iyo xubno kale, kuwaas oo sida la ogyahay iyagoo aan waxba ka wargalin ama u soo jeedin in ay raacaan kaga tagey labada musharx ee xusbiga UCID Hargeysa, isla markaana socdaalkii ay ku mareen deegamada ay ka mid yihiin Qorulugud in gudomiye Faysal Cali Waraabe uu xataa socdaalku sheego mid aanu danaha xusbiga UCID ugu socon iyo in uu halkaasi ku bixiyo raaligalin u muuqatay in uu ku magac dilayo musharax Jamaal Cali Xuseen, raaligalintaas oo la xidhiidhay dilkii saraakiisha ciidamada Qaranka ee lagu laayey deegaankaas. Gudoomiye Faysal intaa kuma eekayn, waxa markii u ka soo noqday socdaalkaas bariga uu sidoo kale kulan aanu xusbigiisa kala sii tashan madaxtooyada kula qaatay wasiirka madaxtooyada oo u balamiyey madaxweyne Siiraanyo. Dhibtu ma ah la kulanka madaxweynaha ee waa qofka uu yahay ee uu sheegay in uu kulamay. Sidaa uu wareysi uu bixiyey markii uu London yimid ilaa iyo toban cisho ka dib markii uu madaxweynaha soo arkay, gudoomiye Faysal waxa uu sheegay in uu isagoo oday ah oo aan gudoomiye ahayn la kulmay madaxweynaha, talooyina soo siiyey. Hase ahaatee ilo ku dhadhow madaxtooyada waxa ay sheegayaan in gudoomiye Faysal madaxtooyada uga baahday gacan-qabad lacageed, kulana balamay in uu la shaqeeyo oo aanu ka hor iman.
Khadkan mdaxtooyada iyo ka ilaa socdaalkii hawdka ee bariga Somaliland waxa uu ahaa mid Faysal ay u xidheen xubno qurbejooga ah oo madaxtooyada ku xidhan, kuwaas oo ujeedada ay ka lee yihiin gudoomiye Faysal ay tahay curyaaminta isla xusbigiisii uu intaa la soo taagnaa. Hase ahaatee isagoo aan sidoo kale gudoomiye Faysal waxba la socodsiin heshiiska iyo gacan- maris lacageed ee madaxtooyada, waxa uu sdioo kale musharaxiinta UCID ka hor intaanu ka soo bixin Hargeysa weydiistay in ay ambobixiyaan ilaa Filand si uu reerkiisii u soo arko, wadamada Yurubna soo maro, iyagoo ay umuuqato fursada xusbiga ugu jirta si wanaagsan ayey u ambo bixiyeen, lacag wanaagsana wey siiyeen.
Hase ahaate gudoomiye Faysal, balankii uu la soo galay madaxtooyada iyo xaqa jeebkii ay ku soo ambo bixiyeen oo kala weynaa ta xusbigiisa, waxa uu Faysal socdaalkiisii min London, Filand, Norway iyo Sweden si socad u sheegay in aanu dano xusbiga UCID ah u socon, balse uu u socdo kuwo qaran, kuwaas qaran oo aan la garanayn waxa ay yihiin, balse marka la raaco hadaladii uu ka kala jeediyey magaalooyink Oslo iyo Stockholm waxa muuqata in gudoomiye Faysal u maqnayn xusbigiisa ee uu dano isaga u gooni yahay mid ilaa shanaya.
Arintanina waa ta keentay in ay si weyn u daereemaan taageerayaasha UCID oo ay ku cidhiidhyeen soo dhaweyntiisii xubno Kulmiye iyo xukumadiisa taageera iyo in iyadoo aan mucaaridka madaxdiisa laga soo dayn TV Qaranka uu gudoomiye Faysal noqdo mid aan laga reebin doorkan warkiisa baahinta wareed ee Tv ga. Haddaba fahanka ay taageerayaasha UCID iyo bulshada Somaliland ee siyaasada xusbiyada la socdaa ay fahmeen hab-dhaqanka cusub ee gudoomiye Faysal Cali Waraabe waxa ay keentay in aan Faysal sidaa sahlan loogaga hadhin, waxaana Isniintii habeenimadii kulan albaabada ay u xidhiin oo ayna waxba u reebin magaalada Stockholm ee Sweden kula yeeshay masuuliyiinta UCID ee dalkaas oo ay soo gaadhay, dareemayna sida foosha xun ee gudoomiye Faysal u socdo.
Maxaa kale ee Faysal ku kalifay in uu sidan u dhaqmo xili ay ahayd in uu ololaha xusbigiisa xoojiyo? Arinta kale ee miisaanka ku leh hab-dhaqankan cusub ee aanu la gaban gudoomiye Faysal ayaa waxa ay tahay ta uu aadka u qarinayo, balse hore saxaafadu uga warantay, inkastoo uu dafiraad kaga jawaabay, waase ta ah in xukumada Siiraanyo ay guri uga dhisayso xaafada Xero- Ruushka, siiba qaybta soo xigta Miiska -Saakiisa ee Hargeysa. Gurigani waa mid qayb ka ah heshiiska gudoomiye Faysal iyo madaxtooyada in ay wada shaqeeyaan. Sidoo kale gudoomiye Faysal oo la ficiltama saaxiibkiisii ay hore UCID uga kala tageen, ee gudoomiye C/raxman Cirro, ayuu dareemayaa in xidhiidh wanaagsani ka dhaxeeyo xukumada, waxaan muqata mudo kordhin, taaso uu isna sidii uu ula dhigayey aad moodiid in uu meel walaba kaga daba galayo, balse waxa uu ilowsan yahay khasaaraha iyo sumcad xuamda uu xusbigiisii UCID oo lagu tilmaamay in uu fursad haysto uu u soo jiidayo.

Gabogabdii waxa aynu qormadan ku soo koobaynaa in gudoomiye Faysal Cali Waraabe ku jiro dhuumasho dhabarku muuqdo, iskumana helayo in uu gudoomiye u noqdo xusbi doorasho doon ah oo mucaarid ah iyo in uu noqdo muxaafid ilaashanaya shilimo iyo daar looga dhisayo cashuurta umadda oo ay ahayd in tilmaamo cida lunsanaysa. Xusbiga UCID isna uma muuqdo mid u dhutiyaya hab-dhaqanka gudoomiye Faysal oo magac xumo ku ah isaga uun.

 

 

Xigasho: Hadhwanaagnews

COMMENTS