CABAYS.COM
Gudoomiye Muuse Biixi Cabdi oo kulana aan noociisa hore udhincin la yeeshay Hay’adaha QM
December 6, 2016 - Written by Cabays

Hargeysa(Cabays Media):- Hogaamiyaha, ahna musharaxa Xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye, Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay kulan dhex maray isaga iyo la taliyaha isu duwida hay’addaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Jamhuuriyada Somaliland.

Warsaxaafadeed uu ka soo saaray Afhayeenka Xisbiga Kulmiyeoo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Cabays Media ayaa u dhignaa sidan:-Kul1

Guddoomiyaha Xisbiga Midnimada iyo Horumarinta Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbiga Mudane, Muuse Biixi Cabdi waxa uu xafiiskiisa ku qaabilay La-taliyaha Isu-duwidda Hay’adaha Qaramada Midoobay ee Xafiiska Isu-duwaha UN-ta u qaabilsan Somaliland Mr. Gavin Roy maanta.

Kulankan oo Guddoomiyaha KULMIYE Mudane, Muuse Biixi ay ku wehelinayeen Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga Md. Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere) iyo Afhayeenka xisbiga Md. Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi), waxay Mr. Gavin Roy ka wadahadleen xaaladda guud ee Somaliland iyo xoojinta wadashaqaynta ka dhaxaysa hay’adaha Qaramada Midoobay iyo Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Guddoomiyaha KULMIYE waxa uu xog-warran ka siiyey masuulkan xaaladda guud ee Somaliland, gaar ahaan abaarta iyo halkay marayso oo uu sheegay inay gaadhay meel adag oo xooluhu ay aad u dhimanayaan, halka dadkuna u baahan yahay gurmad cunto iyo biyo lagu badbaadiyo nafahooda, sidaas darteedna Qaramada Midoobay looga fadhiyo inay gacan ka gaysato gurmadkaasi socda.

Madaxda xisbigu waxay tilmaameen in dad badan oo abaartu barokicisay oo xoolihii ka baxeen diyaar u yihiin sidii loogu celin lahaa deegaannadii ay markii hore ka guureen, taasina ay u baahan tahay inay helaan gaadiid ay ku guuraan oo loogu qaybiyo deegaannadii ay hore ugu noolaayeen, kadibna halkaas lagu taro wixii lagu caawinayo, isla markaana aanay habboonayn in la sameeyo xeryo waawayn oo la isugu geeyo dadka si looga hortago xannuuno dhasha iyo xaaluf hor leh oo ku yimaada deegaanka.

Dhinaca kale, Guddoomiyuhu waxa uu u soo jeediyey Qaramada Midoobay in qaadhaanka ay siinayso Somaliland kor loo qaado, laguna saleeyo Qorshaha Horumarinta Qaranka ee shanta sanno ee Somaliland.

Waxa kaloo uu ka dalbaday masuulkan in tixgelin la siiyo aqoonyahanka iyo dhallinyarada Somaliland ee shaqada ka qaban kara hay’adaha Qaramada Midoobay ee ka hawlgala dalka oo aan dad kale oo ajaanib ah dibadda lagaga keenin.

Dhankiisa, La-taliyaha Isu-duwidda hay’adaha Qaramada Midoobay ee Somaliland Mr. Gavin Roy waxa uu ku qancay qodobada iyo doodaha ay kala hadleen madaxda xisbiga KULMIYE. Waxaannu xusay inay diyaar u yihiin taageero ay ka gaystaan gurmadka abaarta, isla markaana ay sugayaan qiimaynta xaaladda abaarta oo warbixinteeda xukuumaddu soo saari doonto toddobaadkan dhammaadkiisa.

Waxa kaloo uu soo jeediyey in xidhiidh joogto ah laga wadayeesho wax allaale iyo wixii mucaawanooyin abaarta ku wajahan si looga hortago in dheeli ku yimaado habsami-u-qaybinta taakulada dadka jilicsan.

Guud ahaan kulankaasi waxa uu ku dhammaaday afgarad iyo joogtayda xidhiidhka wadashaqayneed oo loo ballamay.

ALLAA MAHAD LEH.  Kul2

Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi)
Af-hayeenka Xisbiga KULMIYE
_________________________________
Waa markii ugi horeysay ee kulano noocan oo kale ah uu gudoomiye Muuse Biixi Cabdi la yeesho hay’adaha Qaramada Midoobay wakiiladooda u fadhiya Somaliland.

COMMENTS