CABAYS.COM
Gudoomiye Muuse Biixi Labada Kulmiye Midkee Buu Damaanad Ka Hayaa Oo Xayndaabka Sharciga Lagu Wada Hadlayaa?
February 20, 2015 - Written by Cabays

Cabays  -London – (Faaqidaada Siyaasada) Golaha wasiirada ee madaxtooyada Somaliland oo caadiyan ah mid bulshadu waxba kala socon waxyaabaha lagu soo qaado, ilaa ay jiraan arimo wax weyn ka ah dhanka xukumada oo markaa bulshada mararka qaar looga diro fariimo badi u muuqda kuwo burinaya kuwa mucaaridka, ayaa doorkan waxa aynu aragnay muuqaal aan caadi ahayn oo aynu ka aragnay madashii shirka wasiirada oo ahaa mid buuxay oo ilaa xubno aan wasiiro ahayni shirka fadhiyeen. Haddaba doorkan waxa dheeraad ah oo aynu aragnay waa gudoomiye Muuse Biixi Cabdi oo shirka golaha wasiirada ka jeediyey hadal la iska weydiin karo su’aalo dhawra, halkii uu ka jawaabi lahaa kuwa taagan ee la xidhiidha waxa uu kaga hadlay gudoomiye Muuse.

Kulanka todobaadlaha ah ee golaha wasirada ee Khamiistii shalay waxa gudoomiye Muuse Biixi Cabdi ka jeediyey hadal goobta uu ka hadlayey dib kuu xusuusinayso labada nooce ee Kulmiye ee aynu hore u soo aragnay. Mid golaha wasirada ah oo uu madaxweyne Siiraanyo la odhan karo waa gudoomiyahooda, waana kii markii khilaafkii xusbiga Kulmiye labada dhan u kala dhanbalay mid madaxtooyadu saldhig u ahayd, halka ka kalena uu ahaa kii Muuse Biixi Cabdi iyo ku xigeenkiisa Maxamed Kaahin ku ooday xarunta xusbiga ee la saaray dhamaan xayiraadaha saaran mucaaridka oo kale, dhanka xukumadana hangool faraaqyo leh lagu qabtay. Waxa halkaa iiga muuqday gudoomiye aan arin uu aanu awood ulahayn fulintiisa iyo meel marintiisa isla sara taagay difaaciisa isla garabkii shalay markuu halkaa kalkeeda taagnaa aan ujoojin, sharcina aan u kitaab dayni.

Haddaba maadaama xusbiga Kulmiye yahay mid aan saani uga soo kaban boogtii ay ku dhigtay kala qaybsanatii dhexdiisa, sida muuqatana aan ahayn mid awoodiisa gacanta ugu wada jirin gudoomiye Muuse Biixi , ayaa waxa dadku is weydiinayaan waa maxay sobobta keentay in gudoomiye Muuse Biixi Cabdi isla dhex taago qodobo uu ku xoojinayo in doorasho ka dhacayso dalka xiliga ay cayimaan gudida doorashooyinku amaba ka xusbi ahaan ay diyaar u yihiin in ay dorasho qabtaan, isagoo aan ahayn ka ay go’aamada noocasi ahi ka go’aan. Hadalkii gudoomiye Muuse Biixi Cabdi waa mid marka duuduub lagu qaato aan lahayn wax laga tago, amaba la diido, waxaanu ahaa mid la odhan karo waxaa uu ahaa mid uu inta taagii ka soo hurgufay wixii uu islahaa waxbaa kaaga soo noqon karaan dhanka madaxtooyada. Hase ahaatee Muuse waxa uu isku dayey in uu ina ilowsiiyo shalay hab-dhaqankii xusbigiisii Kulmiye markii uu mucaaridka ahaa ee sidan oo kale dalku doorasho doon ahaa., isla markaana xukumadii Daahir Riyaale doorashadii waajibka ku ahayd ay u hawlgali weday sidan oo kale uu xusbiga Kulmiye qaatay go’aan ah in aanu aqoonsan xukumadaas wixii ka dambeeyey mudadii la doortay. Waxa muuqata mar kale sansaantii xiligaasi ay taagnaayeen, waliba ay dheer tahay iyadoo mucaaridku doorkan ku dhawaaqayo in ay dhisayaan xukumad doorasho dalka gaadhsiisa oo ku meel gaadh ah ama sida uu gudoomiyaha Waddani sheegay ku baaqayaan in la kala diro xukumada iyo golaha wakiilada..

Sida ay sharci u tahay arintani waa dood sideeda u taal oo aynu mar walba daliilkeeda cidii kordhsiimo ama xukumad la kala diro doonaysaa aynu uga fadhino, hase ahaatee gudoomiye Muuse Biixi hadalkii uu jeediyey ee shirkii golaha wasiirada oo qodobo aan kala dhicin oo uu ka mid ahaa qodonka uu u dhigay sidan “….Kulmiye waxa uu ku dadaalayaa in uu ku dhaqmo tiirarka waa weyn ee dumuquraadiyada, tiirarkaas oo fara badan, wuxuun baa maanta inaga khuseeya laba oo tiirarka waa weyn ee dumuquraadiyada ka mid ah, waa ta koowaade, in xafiisyada golayaasha qaranka ugu sareeya, sida madaxtooyada, baarlamaanka ay ku yimaadaan doorasho xor ah oo xalaal ah, isla markaana ay ugu shaqeeyaan rabitaanka codbixiye yaasha…..” Erayada kor ku dhigan ee ka mid ahaa qodobadii gudoomiye Muuse Biixi Cabdi sida kalsoonida leh u jeediyey waxa uu raaciyey in madaxweynuhu in uu dabagalo hirgalinta doorashada ay tahay, hase ahaatee marna gudoomiye Muuse Biixi inooma sheegin sobobta iyadoo mudadii xukumad sida uu sheegay in ay doorasho ku timaad ay uga hadhsan tahay afar bilood oo kali ah, uu maanta jiro muran hadheeya doorasho dalka ka dhacda, isla xukumada uu difaacayo ee la odhan karo waa garabkii kale ee Kulmiyihii labada ahaa ee aynu hore u soo aragnay ee waliba geedka hore ugu xidhay,  ee aan xeerin dumuquraadiyadaa uu sheegay ee lagu qabsaday sideed isku soo sharaxdaa, dambigana ka dhigay cidii qaadata sawirkiisa oo taageertay musharaxnimadii Muuse.

muse

Gudoomiye Muuse Muxuu damaanad qaranka u hayaa?

Hadalka gudoomiye Muuse Biixi Cabdi, kuma salaysana xaqiiqada ka jirta dhanka Kulmiyaha xukumada ah ee golaha hoos yimaad madaxweyne Siiraanyo oo ah ka uu shalay ku difaacay hadalkaa u muuqday in uu ahaa mid uu kaga jawaabayo ka xusbiga Waddani. xayndaabka sharciga ee uu sheegay in lagu wada hadlayo, waxa uu sidoo kale ilowsan yahay in isla Kulmiyaha xukumada ah ee xaruntiisa madaxtooyada ka dhex hadlay yahay kii horeba u jabiyey sharcigii xusbiga uu gudoomiye ka yahay, haddii xusbigu ilaalin waayey sharcigii dhexdiisa kala waday, muxuu Muuse umadda u hayaa ee damaanad ah in garabka Kulmiye ee xukumadu sidii uu ugu tuntay sharciigii xusbiga iyo dumuquraadiyadii dalka in uu sidoo kale ku tuman doono kan dalka ee qeexaya in ay jirto mudo cayiman oo loo doortay hogaanka dalka, waana mudada ku eeg 26ka June sanadkan 2015ka, wixii xiligaa ka dambeeyaan uu tilmaamayo in xukumadu tahay mid aan la soo dooran oo dalka sharcidaro ku maamulaysa.

Gudoomiye Muuse hadalkii uu jeediyey waxa uu ka oogay cida yeelanaysa eeda haddii dooraashadu dhici weydo inta ka horaysa mudo xileedka xukumada, inkastoo sidoo kalena sheegay in eeda cid la saaro oo aan la isku tuur tuurin, diyaarna u yahay in la eego cida yeelata, walow uu moogan yahay in laba Kulmiye jiro, haddii aynu tiisa u raacnona ay diyaar u yihiin doorasho, waayo dalka waxa uga masuul ah hirgalinta sharciyada dalka xukumada, waana tii ay ahayd in bilo ka hor ka hawlgasho oo u guntato sharciga dalka, ilaalintiisa oo fulintu kow ka tahay ay oogto.

Gudoomiye Muuse Biixi, ma hayo damaanad in sida uu u dhigay hadalka “Xayndaabka sharciga” ee dhabta ah dalkani ku kala bixi karaan dhinacyada ay khusayso arinka maanta ina horyaal ee doorashada, waayo, isaguba hore ayuu u waayey in xayndaabka sharciga ku kala baxaan markiii uu xuquuqdiisa dastuuriga ah ee in muwaadinku waxdoorto ama la doorto la hanqal taagay ee uu musharax is yidhi ka noqo xusbiga Kulmiye. Shalay markii ay mucaaridka ahaayeen wixii khaladka ahaa ee sharciga dalka jabinayey, ayaa maanta horyaal gudoomiye Muuse Biixi iyo Kulmiiyaha aan hoos iman ee midida- daabkeeda haya ee madaxtooyada uu shalay Muuse inagala hadlay awooda uu og yahay ku leh. Waxaynu ku soo koobaynaa qormadan: Labada Kulmiye midkee buu damaanad ka hayaa oo xayndaabka sharcuga lagu wada hadlayaa oo aan maalin dhow meel kale u durdurin doonin, sidii hore aynu u aragnay sanadkii galbaday ee 2014kii oo ku suntan sanadkii  Kulmiye labada garab ee mid awood lee yahay, midna magac aan awood lahayn ku soo hadhay uu kala baxay.

 

Cabdillahi Maxamed Cali

London  UK

Waa Saxafi madax-banaan oo aan xusbina taageerin, siw weyna ula socda siyaasada Somaliland

AMA1

 

COMMENTS