CABAYS.COM
Gudoomiye Xirsi oo sheegay in uu dalkii u socdo xili warqad arinkii uu UK u joogay sheegaysaa ay wareegayso
January 27, 2024 - Written by Cabays

Cabays Media – Qiyaastii dabayaaqadii bishii 6aad ee sanadkii 2023kii ayey soo baxday in Gudoomiyaha Xisbiga Waddani dalka UK u yimid arimo shaqsi oo la xidhiidha sharci dalka UK ah oo uu farsamaysanayey, hase ahaatee arinkaasi ribaday kadib markii la ogaatay in Laanta Socdaalka ee UK ee Homes Office ay warqad ugu soo dirtay guri u ciwaan ahaa oo kuyaal nawaaxiga Sheppard Bush oo ah Galbeedka Magaalada London, laguna war galiyey in baadhsi lagu samaynayo, isla markaana wakhti qaadan karto.

Ilaa iyo mudadaas waxa soo baxayey warar lagu kalsoon yahay oo sheegaya in Gudoomiye Xirsi lagu haysto sharci aanu lahayn oo uu sifo kale weydaarsan sharciga ku qaatay, isla markaana HomeOffice oo ah hay’ada socdaalka UK ay xayirtay, kana bixi karin UK ilaa inta arinkiisa meel lagu tiirinayo. Tan ayaa aha to lagu sobobo beeyey in Gudoomiye Xirsi joogo dalka UK modadii ugu dheerayd ee masuul xil ka haya Somaliland ku sugnaado dalka dibadiida, isagoo Somaliland ka maqnaa xiliyo ay aloosan yihiin arimo badan oo siyaasadeed.

Ilaa iyo bishii 7aad ee sanadkii 2023 kii waxa la is weydiinayey wararka arinka Gudoomiye Xirsi oo la dareemayey in dawlada UK ku dhagen tahay. Hase ahaatee Gudoomiye Xirsi waxa uu in badan isku dayey in uu muujiyo in uu si caadi ah u joogo UK, mase suurtogalin oo xogo badan ayaa soo baxayey mudadaas, inakstoo uu aanu marna dhankiisa ka qiran wararka arinka ku raajiyey dalka UK.

Qoraalka Gudoomiye Xirsi

Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan oo qoraal uu soo dhigay boggiisa Twitter (X) maanta ku sheegay in uu dalkii u socdo. Qaraalka ayuu ku yidhi “Waxa aan saaka safar u soo ahay dalkii hooyo, ka dib muddo aan arrimo gaar ah, kuwo shaqada xisbiga la xidhiidha iyo kuwo Qaranka ahba aan u joogay dalka Ingiriiska, kuwaas oo dhammaantood guul ku soo dhammaaday.”

Hase ahaatee ma sheegin arinka sida weyn loola socday ee ah in uu UK ku cadilnaa mudo oo la sheegay in loo haystay in uu sharci baasaboor oo dalka UK ah sifo sharciga baalmarsan ku qaatay, laguna qabtay oo dacwadi ku socotay mudo.Sidoo kale waxa soo baxday warqad xambaarsan macluumaad weyn oo sheegaya wixii loo haystay iyo in uu damiin ka helay xafiiska Raysalwasaaraha Somalia.

Warqada oo ah mid siinaysa jawaab celin nin magaciiga lagu qoray oo la yidhaa Axmed Jaamac, ayaa lagu sheegay in hay’ada The British National Crime Agency oo ah hay’ada baadha dambiyada UK ay gacanta ku haysay arinka Gudoomiye Xirsi. Warqada ayaa ku taariikhaysan 24.01.2024.Qoraalada uu barta Facebook iyo Twitter uu soo dhigay Gudoomiye Xirsi ayaa waxa isku xaabsatay warqada la wareejiyey ee ka soo baxday Wasaarada Cadaalada UK – Ministry of Justice oo kaga jawaabaysa qoraal qiyaastii lagu weydiiyey arinka Gudoomiye Xirsi.

Arinka Gud. Xirsi ayaa noqonaya mid aad u suntan oo aan noociisu soo marin Somaliland oo masuul dal kale kiis noocan ah lagu haystay uu Somaliland ka noqdo masuul la aamino. Hoos ka eeg qoraaladaGud, Xirsi ee uu ku sheegay in uu u baxayo dalkii hooyo iyo warada Ministry of Justice ee UK.


Warqada aan la xaqiijin ee wareegaysa.
COMMENTS