CABAYS.COM
Gudoomiyhii Xisbiga Waddani ee Somaliland oo la laayahay kadib markuu Addis ka degay
February 28, 2024 - Written by Cabays

Cabays Media –

War culus – Gudoomiyihii Xisbiga Wadddani Xirsi Cali Xaasji Xasan oo saaka oo bishi tahay 28.02.2024 ka oo diyaarad ka raacay magaalada Hargeysa ilaa caasimada Itoobiya ee Addis Ababa ayaa ilaa haddda ay raadinayaan xubno xisbiga ka mid ah oo ku sugayey Bole International Airport si ay ugu soo dhaweeyaan Addis.

Sida ay Cabays Media u xaqiijiyey xubin ku sugan Addis Ababa oo la socday soo dagintaanka ama imaanshaha gudoomiye Xirsi oo xubno diyaar ugu ahaayeen in ay soo dhaweeyaan maanta, waxa xubnihii ku sugayey garoonka diyaaradaha ee Addis Ababa ay sheegeen in ay isweydiinayaa waxa ku dhacay iyo halka uu maray gudoomiye Xirsi oo ay ogaayeen in uu la socday diyaarada numberkeedu yahay HGA-ET ADD ET81 00ET ee saaka ka kacday Cigaal International Airport.

Lama ogo sobobta loo waayey iyo halka uu ku sugan yahay ilaa hadda. Xisbiga Waddani ayaan wali ka hadal si rasmi ah waayista gudoomiye Xirsi.Muuqaalkii ugu dambeeyey ee lagu arko meel fagaare ah ayaa ah sawirka hoose oo uu kaga qaybgalay aaskii marxuun Axmed ee lagu dilay Muqdisho ee lagu aasay Xabaalaha Masalaha Hargeysa shalay.

Gudoomiye Xirsi oo aaskii Marxuun Axmed ee Masalaha Hargeysa 27.02.2024

Ma cada in ay weecsadeen ciidama amaanka ee Itoobiya iyo in kale iyo in uu si kale u galay gudaha magaalada Addis Ababa, oo xubnihii u qoondaysnaa soo dhaweyntiisa uu ka maarmay.

Hase ahaatee sida uu sheegay xubin ku xidhan xisibiga arimihiisa oo ku sugan Addis, gudoomiye Xirsi kama soo bixin garoonka Bole ee Addis Ababa, walina dadkii sugayey wey raadinayaan.

Xisbiga Waddani waa mid ka mid ah 3da xisbi ee doorashada madaxtooyada galaya

All reactions:11

COMMENTS