CABAYS.COM
Ha ku lug- gu’in soo dhaweynta waftiga Madaxweyne Siilaanyo ee London – Waa laguu diiday!
October 2, 2016 - Written by Cabays

Cabays

 

Cabays Media:-

 

Wafti uu hogaaminayo Madaxweyne Axmed Maxamuud Siilaanyo oo ka kooban wasiiro iyo sidoo kale gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa dalka Imaaraadka uga soo kicitimay dhanka dalka UK, halkaas o ay ku tagayaan socdaal iskugu jira mid gaar ah iyo olole cusub oo uu gudoomiye Muuse Biixi ka bilaabay oa dalka UK oo uu dib ugu xoojinayo taageeradii xisbiga Kulmiye ku lee yahay dalka UK bulshada Somaliland ee dagen.

Hase ahaatee socdaalka waftiga madaxweyne Siilaanyo ee UK ayaa doornkan waxa la sheegay in uu jiro arin aan caadi ahayn oo keenay in dadka lagag horjoogsanayo in ay yimaadaan Heathrow Airport oo dad badani isku soo baxaan soo dhaweynta.

Inkastoo aan la sheegin sobobta rasmiga ah, haddana waxa jira in wakiilka Somaliland ee UK, Cali Aadan Cawaale bulashada iyo taageerayaasha Kulmiye ku wargaliyey in aan loo ogolayn in ay yimaadaan Airportka, inkastoo aan la sheegay in uu sabobta ku sheegay in ay la xidhiidho arimo dhanka amaanka ah, haddana waxa la sheegay in ay la xidhiidho arin ku aroora xaalada madaxweynaha oo aan diyaar u ahayn in uu qaabilo ama salaanta ka qaato dad badan xili uu safar dheer oo saacado badan qaataya diyaarada kaga soo dagay.

Diidmada dadka loo diiday in ay kaga hortagaan waftiga madaxweyne Siilaanyo garoonka London, waxa ay sii abuuraysaa tuhuno laga qabo xaalka madaxweyne Siilaanyo. Dhanka kale xubno Cabays Media la soo xidhiidhay oo ka maid ah xisbiga Kulmiye ayaa ku eedeeyey in wakiilka Somaliland uu go’aankaas iska qaatay, isla markaa uu iska hortaagay shacbiga iyo taageerayaasha Kulmiye soo dhaweynta madaxdooda.

 

SMbi

“Waxa la na yidhi taga oo is hor tuma hutel ku yaal Ealing Common hortiisa, waayo waxa la na yidhi ma iman kartaan garoonka diyaaradaha ee London” Sidaa waxa Cabays u sheegtay haweenay ka mid ah madaxda garabka haweenka ee Kulmiye ee UK oo sharaxaysay sida la sheegay in ay kula kulmi karaan gudoomiyhooda, maadaama aan loo ogolayn in ay Hearthrow tagaan.

Talaabadan laga hor istaagay bulshada Somaliland ee UK in ay soo dhaweeyaana wafrtiga madaxweyne Siilaanyo ayaa waxa ay abuurtay buuq iyo jawaha wareer sida wax u jiraan.

Sidoo kalena saxaafada yaan loo yeedhin, marka laga reebo TV Qaranka oo muuqaal kooban ka soo duubaya marka waftigu soo gaadho qolka VIP oo ah qol uu sii kireeyey wakiilka Somaliland, Cali Aadan Cawaale oo isagu ah wakiilka madaxweynaha u qaabilsan  UK , laakiin xisbiga Kulmiye ayaa ah mid arinkan taageerayaashiisus xoog u diideen.

Madaxda xisbiga Kulmiye ee UK iyo wakiilka Somaliland ee UK, Cali Aadan Cawaale ayaa la sheegay in ay isla kadeedan yihiin o sida qorshuhu yahay ay si aada isla garan laa yihiin. Sidoo kale inta dambe ayaa bulshada Somaliland waxa ay sheegayaan in xidhiidhka iyo habka ay uu wax u wado wakiilku ay dadku cabasho ka muujiyaan, iyagoo ka cabanaya arimaha bullshada oo uu soo faragaliyo iyo isagoo aanay fahmn sida uu wax u wado, sida qadiyada Somaliland ee dalkan UK iwm.

Cabays Media waxa uu isku dayey in uu tos ula xidhiidho wakiilka Somaliland, Cali Aadan Cawaale si wax looga weydiiyo waxa jira iyo sobobta loo diiday dadku in ay yimaadaan garoonka diyaaraha ee London, hase haatee ma suurto galin.

Waftiga ayaa la sheegay in marka uu “Nasto” todobaad ka dib in uu jaaliyada la kulmi doono Sabtida dambe, sidoo kale sabtida ka siidambaysa ee 15 bisha waxa gudoomiye Muuse Biixi Cabdi la kulmi doonaa taageerayaasha oo kulan balaadhan ku qaabili doona.

 

La soco wixii warar ka soo kordha socdaalka madaxweyne Siilaanyo.

Cabays Media

London- UK

COMMENTS