CABAYS.COM
Haayada U Dooda Xaquuqada Saxaafada IFG Oo Xukuumada Somaliland Ugu Baaqday Sii Daynta Suxufi Hoori Axmed Hoori
July 5, 2018 - Written by Cabays

Hay’ada u dooda Xaquuqda Saxaafada Madaxa banaan ee caalaamka IFJ ayaa ugu baaqday   Somaliland inuu si deg deg ah oo sharuud la’aan ah kusii daayo Suxufi Hoori Axmed Hoori oo ka tirsan telefishinka HCTV.

Wariye Hoori ayaa la xiray Salaasadii lasoo dhaafay, maalin kadib markii wariyaha uu su’aal adag weydiiyey Guddoomiyaha gobalka Awdal.

Guddoomiyaha gobalka Awdal Cabdiraxmaan Axmed Cali ayaa ka gadooday su’aal uu wariyaha ka weydiiyey baaq dhawaan kasoo baxay Suldaan Wabar oo kacdoon ka dhan ah Xukuumada Somaliland ka wada gobalka Awdal.

Guddoomiye Cabdiraxmaan ayaa sheegay inuusan wax war ah ka heyn arrinta Suldaan Wabar oo uu diiday inuu soo hadal qaado, isagoo si caroleh uga baxay kulan ka dhacayey magaalada Borama oo uu shir jara’iid ku qabanayey.

Ma jirin wax amar maxkamad ah oo lagu xiray suxufiga sida ay xaqiijiyeen suxufiyiinta magaalada Borama oo si adag u cambaareeyey xarigan.

Xarigan ayaa kusoo beegmaya xili dhawaan uu   Somaliland sidan oo kale u xiray suxufiyiin ka hawlgasha magaalada Laascaanood ee xarunta gobalka Sool oo soo tabiyey mudaharaadyo ka dhacay magaaladaasi,

COMMENTS