CABAYS.COM
Haddii Aad Hindhisto Adiga Oo Madaxweyne Trump Ka Agdhow Si Degdeg Ah Uga Bax Goobta
July 23, 2019 - Written by Cabays

Maqaal dhowaan lagu qoray shabakadda wararka ee Politico oo dalka Maraykanka laga leeyahay ayaa ku taliyey in qofka qufaca leh ama hindhiso yeeshaa aanu ka agdhowaan madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, weliba sida ugu fiicani ay tahay in uu ka dheeraado aagga uu madaxweynuhu ka agdhow yahay. Haddii kale uu u diyaargaroobo in madaxweynaha oo cadhaysan, suurtagalna ay tahayba in uu gacanta kor ugu qaado, isaga oo cadho awgeed suneyaasha ururinaya uu amar ku siiyo in uu Meesha ka tago.

Qoraaga maqaalka oo lagu magacaabo Daniel Lipmann ayaa sheegaya in madaweyne Trump uu sas ka qabo jeermiska, taasina ay abuurtay in marka uu kulmada Aqalka cad ka qaybgelayo ama xitaa uu diyaaradda saaran yahay laga dareemo didmo iyo in uu dareenkiisa oo dhami iska jirayo tub kasta oo uu ka baqo in jeermisku u soo maro.
Dareenka cabsida ah ee uu madaxweyne Trump ka qabo jeermis waxaa xitaa warkiisa haya shaqaalaha iyo gacanyareyaasha ka agdhow, taas oo keenta in ay ka taxaddaraan u dhowaanshiyihiisa. Waxa aanay Aqalka Cad ku soo rogeen shuruuc dhinaca nadaafadda ah oo aad u adag, kuwaas oo xitaa saamaynaya wasiirrada iyo masuuliyiinta kale ee xafiiskiisa imanaya.

Qoraagu waxa uu sheegay in Trump cabsida uu qabaa ay gaadhay in martida soo booqata loo sheego inta aanay u gelin madaxweynaha in ay gacmaha ku sii maydhaan xamaam ku dhow xafiiska madaxweynaha ee aqalka cad, oo lagu diyaariyey saabuuno jeermiska dila.
Cabsida jeermiska iyo guud ahaan xanuunka uu Trump ka qabaa waxa ay keentay in haddiiba ay dhacdo in uu qof gacanyaryeyaashiisa ka mid ahi qufaco ama hindhiso ama arko isaga oo is xoqaya, in uu dhaqso ugu yeedho dhakhtarta gaarka ah ee Aqalka Cad, kana dalbado in la soo daweeyo qofkaas.

Qoraagu waxa uu sheegay in ku-simaha madaxa shaqaalaha aqalka cad ay mar ku dhacday in uu hindhisay isaga oo uu ka agdhowyahay madaxweynaha oo markaas waraysi siinayey talefishanka ABC.
Trump oo cadhaysan ayaa inta uu joojiyey hadalkii, waxa uu si cadho leh ugu yidhi, “Waxaas ma jecli .. haddii aad hindhisayso qolka ka bax” kaddib cadho awgeed ayaa uu Trump madaxa lulay.

Warbixinta majaladad Politico waxa ay sheegtay in Trump uu si guud ahaaneedba aad u dhibsado in qofku u soo dhowaado ama uu jidhkiisu taabto, cabsi uu ka qabo in uu jeermis uga soo gudbo awgeed.
Waxa aanu inta badan qaataa maaddooyinka jeermiska dila ee faraha lagu masaxo, si marka uu dhowr qof gacan qaado uu ugu masaxo gacmihiisa. Dabeecaddaas oo xitaa markii uu ol’olaha doorashadak u jiray laga dareemay.

Madaxweyne Trump ma qarsado cabsida uu ka qabo jeermiska, isaga oo sheegay in uu maalinta keliya marar aad u tiro badan gacmihiisa dhaqo, isla markaana qiray in arrintani ay noqon karto sabab la xidhiidha xaalad nafsiya.

Qoraagu waxa uu sheegaa in madaxweyne Trump cabsida uu ka qabo jeermisku uu gaadhsiisan yahay in xitaa uu is xejin kari waayo haddii uu arko qof shaqaalihiisa ka mid ah oo fartiisa afka gelinaya, marka uu qofku doonayo in uu rogo xaashida buug u uakhriyayo. Waxaaba mar dhacday in saga oo is illowsan uu dhirbaaxo ku dhuftay qof sidan yeelay, isaga oo u sheegaya in ay arrin xun tahay oo uu iska daayo.

Xigasho: Wargeyska GEESKA

COMMENTS