CABAYS.COM
Hargeysa: Hooyooyin Weer Cas Madaxa Ku Xidhay Oo Cabasho Ku Dalbaday In Ubadkoodii Tahriibay Loo Soo Celiyo
May 1, 2019 - Written by Cabays

Hargeysa (Cabays Media)- Haween badan oo isugu jira Hooyooyin Waayeel ah kuwo da’d dhexaad ah oo duruufo adagi ka muuqdaan ayaa maanta isu soo bax ballaadhan oo ay madaxa maryo cascas ku soo xidheen sidoo kalena soo qaateen boodhadh ay halku dhegyo kala duwani ku xardhan yihiin waxa ay ka sameeyeen caasimadda Hargeysa.

Isu soo baxan cabashada ah waxa ay Hooyooyinkaasi ku soo ban dhigayeen baaqyo kala duwan oo ay u dirayaan xukuumadda iyo hay’adaha daneeya arrimaha bani aadamnimo si loogu soo celiyo ubad ka tahriibay oo ay sheegeen in dhibaatooyin kala duwan loogu gaysanayo wakhtigan waddanka Liibiya.

Hooyooyinkan baaqa cabashada ah ee dhiillada leh dirayaa waxa ay qaarkood sheegeen in ubadkooda markii saddexaad magafayaashu kala iibsadeen oo aan haddana meelna la gayn oo ay gacmo kale sii galayaan loona ciqaabo siyaalo kala duwan oo arxan darran.

Hooyooyinkan oo qaarkood ilmaynayeen markii ay warbaahinta la hadlayeen waxa ay sheegeen in ubadkoodii ka tahriibay markii laba jeer Magafayaasha lacago madax furasho ah la siiyay markii saddexaad haddana lacago laga doonayo iyaguna yihiin kuwo danyar ah oo aan haysan wax ay ku bixiyaan.

“Wiilkaygii waxa markii saddexaad laga sii iibiyey magafe kale. Waxa lagu xereeyey god weyn oo lagu yidhi Yurub waatane gal. ma aqaan xaaladiisa waxaanse ogahay in jidhdil loo gaysto daqiiqad walba anna maanta shilin ma hayo. Xukuumaddu xal uun ha keento oo ubadkaasi haka shaqeeyaan sidii loo soo celin lahaa”.

Waddanka Liibiya oo ay ku sugan yihiin inta badan dhallinyarada waddanka ka tahriibay waxa ay wakhtigan ku jiraan xaalado qallafsan oo ay dhibaatadii hore uga sii dartay dagaallada dalkaasi ka soo cusboonaaday iyada oo in badan oo dadka tahriibayaasha ah lagu kala iibsanyo gacmo badan oo marka midba lacag la siiyo ay qofka kasii iibinayaan Magafe kale oo lacago hor leh dalbanaya.

Inkasta oo hore dalka loogu soo celiyay dhallinyaro door ah oo tahriibay haddana waxa la xaqiijiyay in ay waddankaasi ku dhibaataysan yihiin kumannaan kale oo dhallinyaro ahi kuwaasi oo qaan qaarkood raq iyo ruux toona laga hayn.

COMMENTS