CABAYS.COM
Haweenay ka been sheegtay caafimaadkeeda oo Australia lagu xidhay
April 11, 2018 - Written by Cabays

Haweenay Australia u dhalatay ayaa lagu xukumay saddex billood oo xabsi ah, ka dib markii ay khayaantay asxaabta qoyskeeda iyada oo u sheegtay in ay qabto xannuunka kansarka.

Hanna Dickenson oo 24 jir ah ayaa waalidkeed ka qaadatay 31,000 oo doolarka Maraykanka ah una dhiganta 42,000 oo doolarka Australia ah.

Waalidkeed ayaa lacagta u siiyay si ay dalka dibadiisa isugu soo dawayso, ka dib markii ay u sheegtay in ay kansar qabto.

Asxaabta waalidkeed ayaa lacago deeq ah keenay markii ay maqleen xannuunka gabadha, balse maxkamadda ayaa loo sheegay in ay lacagaas u isticmaashay dalxiis iyo tamashlayn.

Garsoorihii maxkamadda ayaa khayaanada gabadha ku tilmaamay mid “niyad jab iyo nacayb laga dhaxli karo”

Dickenson ayaa maxkamada Melbourne Magistrates ka qiratay dambigeeda oo ka koobnaa toddobo qodob oo ah in ay si khayaano ah ugu kasbatay xoolo aysan lahayn.

Maxkamadda ayaa loo sheegay in qof isbitaal ka soo baxay oo laga soo daweeyay kansar uu ku deeqay 10,000 oo doolarka Australi ah.

Qof kaleete ayaa afar jeer oo kala duwan lacago ku deeqay.

Arrintan ayaa soo shaac baxday markii qof kale oo deeq bixiye ah uu booliiska ku wargaliyay xaaladda haweenaydaas, ka dib markii uu sawiradeeda ku arkay Facebook.

Qareen Beverley Lindsay ayaa dalbatay in macmiilkeeda xabsiga laga lacafiyo maadaama “oo ay is waansatay nolosheedana wax ka badashay.”

Waxay sidoo kale khayaanadan barbar dhigtay middii ay samaysay Belle Gibson ah gabadh internetka wax ku qorta oo reer Australia ah, taas oo lagu ganaaxay 410,000 oo doolarka Australi ah, ka dib markii ay ka been sheegtay in uu ku dhacay kansarka maskaxda.

Lindsay ayaa sheegtay in dambiga ay gabadhan gashay uu ka yar yahay midka Gibson.

Si kastaba ha ahaatee xaakimka ayaa sheegay in labada kiis aan la is barbar dhigi karin balse ay maxkamaddu doonayso in ay dadka kale ka hor istaagto in ay falkaas oo kale ku kacaan.

Lindsay oo ah qareenka Hanna sheegtay in ay u badan tahay in macmiilkeedu ay racfaan ka qaadan doonto xukunkaas.

COMMENTS