CABAYS.COM
Haweenay Somaliland ka soo jeeda oo Gole Deegaan lagu doortay Gobolka Maine ee Maraykanka
December 12, 2018 - Written by Cabays

Cabays Cabays Media (SOUTH PORTLAND ) — Haweenay ka soo jeeda Somaliland dhalasho ahaan mudo ka shaqaynaysa Arimaha bulshada ee magaalad Portland ee gobolka Maine ee dalka Maraykanka.

Deeqa Dhalac oo ka shaqaysa barnaamij u adeega dadka kala dhaqanka iyo diimaha duwan ee deegaanka South Portland ee gobolka Maine ayaa tartan adag la gashay in ay ku guulaysato xubinimada golaha deegaanka 5aad ee South Portland nin ganacsade ka caan ah deegaanka..

Deeqa Dhalac, waxa ay si adag uga guuleysatay Donald )loo yaqaan Cookie)  Cook, oo lehh ganacsiga la yidhaa Rolando’s Redemption. Codka ay Deeqa Dhalac heshay ayaa ah 1,418 oo ay u baahnayd 700 oo kali ah in ay dheeraato.

“ Tani waa talaabo heersare ah,” ayey tidhi Deeqa Dhalac  markii ay ogaatay natiijada in ay iyadu heshay cod badan.

“Waxa aan ku faanayaa oo waliba ku hanweynahay in codbixiyeyaasha South Portland kalsooni buuxda isiiyeen. Waa mudnaan la isiiyey iyo masuuliyad, diyaarna waan u ahay in aa u shaqeeyo (deegaanka)” ayey tidhi Deeqa Dhalac oo u mahadnaqday dadkii u codeeyey.

 

Deeqa Dhalaca waa hooyo kaligeed korsata saddex caruur ah. Deeqa waxay sheegtay in ololeheedii uu ahaa mid talaabo kalgacal ku salaysnaa, weyn ku faani lahayd haddii xataa laga badin lahaa.

Hase ahaatee waxa ay qortay in guusha ay iyadoo soo-galeete ah iyo haweenay madow in ay hesho xili dhawaaqyada siyaasadeed ee nacaybshaha ku salaysan ay noqdeen kuwo la caadaystay.

“Waxaan ku faraxsanahay in inan yar oo aniga ila midab ah markay i aragto ay odhan doonto, “Aniguna waan gaadhi karaa halkaa” Sidaa wax atidhi Deeqa Dhalac oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland oo dalka Maraykanka degtay  sanadkii 1998kii oo dhalasho Maraykana qaadatay ka hor intii aanay u soo guurin South Portland sanadkii 2008dii.

Xogahayaha magaalada deegaankeeda laga doortay Deeqa Dhalac Clerk Emily Scully waxa ay sheegtay in doorashad doorkan aad loogu soo baxay marka loo eego kuwii hore, isla inta la xusuusan yahay ay codeeyeyaashii ugu badnaa inta taariikhda la xusuusan yahay ay soo bexeen.

Jagadan ay Deeqa Dhalac ku guulaysatay ayaa ahayd mid banaanayd ilaa iyo 15kii bishii Sebtember ee sanadkan kadib markii uu iska casishay haweenay cadaan ah oo la yidhaa Andrian Dowling, oo golaha deegaanka South Portland ka dhex abuurtay khilaaf badan oo la xidhiidhay arimo xasaasi ah.

 

Deeqa Dhalac ayaa iyadna sheegtay ujeedadeed ugu weyni waa in ay dhiirigaliso midnimda dadka degan magaalada iyo bulshada guud ahaan. Ina Dhalac ayaa aad ugu ololaysa in dadku i ay helaan guriyo jaban iyo adeeg bulsho oo loo siman yahay, siiba dadka soo-galootiga ah ee gobolka Maine iyo magaalada South Portland degan.

Deeqa Dhalac waxa ay ka soo bilowday heerka ay gaadhay xarunta deegaanka magaalada sanadkii 2016-kii oo u xulay Brad Fox oo ahaa xubin golaha deegaanka ah in ay noqoto mid ka mid ah gudida adeega magaalada, balse ay ka horyimaadeen xubno kale oo halkeedii lagu badalay nin hore u hayey xilkaas.

Deeqa Dhalac ayaa dacwad dhanka in la takooray ka furatay hay’ada xuquuqal iisaanka, hase haatee dacwadeedii ma guulaysan, waxase la siiyey tobobar lix bilood ah oo dhaliyey in ay nidaamka ku fahanto.

 

COMMENTS