CABAYS.COM
Heshiisiinta labada beelood ee ku dagaalamay Ceelafweyn oo ay galayaan shaqisyaad qadarin ku leh Somaliland
May 22, 2018 - Written by Cabays

CabaysCabays Medi: (Hargeysa JSL) Sida uu sheegay gudoomiyaha Xisbiga Waddani, mudane Faysal Cali Waraabe oo saxaafada kula hadlay magaalada Hargeysa, waxa  galaya dib u heshiisiinta beelaha ku dagaalamay deegaanka Ceelafweyne ee gobolka Sanaag ee Jamhuuriyad Somaliland shaqsiyaad caan ka ah , qadarin weynba ku leh Somailand.

Gudoomiye Faysal Cali Waraabe oo sharaxaya kuwa ay yihiin shaqsiyaadkaasi ayaa yidhi “Arinta Ceelafweyn madaxweynaha waanu kala hadalayn oo xaalkeeda waxa galaya aniga,  Xasan Ciise, Cabdiraxman Aw Cali iyo Cali Khaliif Galaydh laakiin cidii hore ugu fashilantay galimayso oo dibada ayaan dhigaynaa, waxaanan halkan uga mahadcelinayaa cidii tagtay”

Ceel

 

 

 

 

 

 

Gudoomoye Faysla Cali Waraabe ayaa sid adag ugu baaqay labada beelood ee isku colaadinaya deegaanka Ceelafweyn in ay soo afjaraan colaada, waxaanu hogo tusaaleeyey in dadkii ku dhintay isku dhaca labada beelood, siiba dadkii ugu horeeyey ee ku dhintay ee iska aarsigu ka bilaabmay iyo kuwii ka dambeeyey aanay soo noqnayn,  una baahan yihiin in ay nabad ku soo dabaalaan.

Colaada Ceelafweyn ayaa noqotay ta ugu culus oo bulshada Somaliland aadka uga dhawaaqday, waxaana sidaa ka yelay dadka la heshiisiiyey oo aan ilaalin heshiiski iyo dhaartii hore ay u galeen.

Deegaanka Ceelafweyn ayaa ah mid ay hubaysan yihiin beelaha degan, taas oo sahashay in si fudud hub la iskugu adeegsado. Hase ahaatee maalmahan aad ayey u degan tahay, waxaan xukumadu bilowday in ay dad badan ka soo xidhxidhi dhinacyada k udagaalamay.

COMMENTS