CABAYS.COM
Hogaanka Xusbiga Waddani: Labada Kursi Mid Uun Ku Hagaaag Mid Uun Ku Habdhabo
April 28, 2015 - Written by Cabays

Hogaanka Xusbiga Waddani: Labada Kursi Mid Uun Ku Hagaaag Mid Uun Ku Habdhabo

 

Qalinkii: C/laahi Maxamed Cali

Hanaanka Somaliland qaadatay ayaa ina faraya in siyaasada loo soo moro hadba saddexda xusbig qaran ee dalka ka jira. Saddexdaas xisbi oo ah kuwo looga fadhiyo in ay ku dhaqmaan sharciga dalka ka sokow, sidoo kale ka sida gaarka ah ugu yaal ee qeexaya hab dhismeedkooda, ee xisbi waliba goonida uu u lee yahay, balse sidoo kalena la wadaaga kuwa kale ee loolanka ay kuwada jiraan.

Hanaankaas aynu duuduubka ku sheeganay waa mid dhismaha haykalka xusbiyada inoo ilaaliya si aynu uga gudubno nidaam kasta oo ka hor imanaya geedi socodka siyaasadeed ee aynu doonayno in dalkeenu ku horumaro. Haddaba ka waran haddii xusbi yahay kan ugu da’da yar saddexda xusbi ee Somaliland oo aan wali galin doorashadii ugu horaysay ee ka bilaabmaysay isla xisbiga dhexdiisa inta aanu gaadhin ta uu kula loolamayo xisbiyada kale, sidoo kalena hogaankiisu uu yahay mid laba kursi ilaa shanaya?

Jawaabta su’aashaasi waa ta qormadan aynu ku iftiimin doono in xaalka xisbiga hogaanka Waddani yahay mid taagan odhaahdii soo jireenka ahayd ee ‘Mid uun ku hagaag oo mid uun ku habdhabo’

Ku hagaagani waa mid ah in hogaanka xusbiga Waddani dhan iskugu baydho, meeshana ka saaro in uu laba dar ka cabo xili siyaasadu u hirayso dhan kali ah, oo aan lahayn in fursad uu ku habdhabto laba dhinac sidii uu ku soo caana maalay ilaa intii uu noqday xisbi ka mid ah saddex-da xisbi qaran oo haaatan bulshadu uga fadhido in ay u ban-baxaan sidii ay bulshada u soo kala jiitaan iyagoo dhisme iyo hanaan ku salayan.

Inkastoo xisbiga Waddani tani kali ku ahayn oo sidoo kale marka ay noqoto soo xulista musharaxii hagi lahaa, waxaana la wadaaga xisbiga Kulmiye ee uu doonayo in uu la tartamo, waana halka labadan xisbi iska shabahaan, goonina ugu yihiin awoodo mid waliba mid kale is lee yahay ka kale ku hirdi. Waddani hogaankiisuse waxa uu isku arkaa in uu fadhiyo iridii laga awdayey markinka xukumada Kulmiye u mari karto mudo kordhin, isagoo tamarsanaya golaha siyaasiga ah ee ay dhan shuraako ka wada yihiin xisbiga UCID iyo Madasha Wadatashiga oo la isku yidhaa Isbahaysiga Mucaaridka iyo kursiga gudoomiyaha Golaha Wakiilada Jamahuuriyada Somaliland oo mudo ka badan 5 sano sifo mudo-korodhsi meelna aan sharciga dalku ku saamixin ku fadhiya.

Hase ahaatee awoodaa uu Waddani Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ku yahay mudane C/raxmaan C/laahi Maxamed C/laahi,  Cirro oo ah marka dib loo raaco kuris gudoomiyenimadiisa uu kala hayaamay xusbiga UCID oo marka horeba magaciisa ku soo baxay, kala hayaankaas oo isla xusbiga Kulmiye iyo UCID midna uba arag dhib-siyaasadee oo loo geystay xibiga UCID, maadaama la kala saari waayey gudomiyenimadii UCID-nimo ee uu ku ahaa mudane Cirro iyo xubinadiisii caadiga ah ee golaha isagu ku soo baxay. Waxa hadda muuqata in hogaanka Waddani uu sidoo kale wali ayna u kala baxsanayn sii jooga kursi xiligiisii dhamaaday shan sano ka hor iyo hogaan mustqabal doon ah oo xusbi mucaarid oo doonaya in uu dardar ku galo loolanka siyaasadeed.

Awoodaas gudoomiyenimadu ma aha mid sidoo kale haddana hakin karta in xukumada Kulmiye hesho mudo kordhin isla sidii uu u hakin kari waayey in mudo kordhin la siiyo Daahir Riyaale iyo xukumadiisii UDUB, xili uu xulufo la ahaa xusbiga Kulmiye oo uu balan ka haystay in uu furayo xusbiyo cusub, halka xukumadii UDUB diidanayd. Hase ahaatee dib u raaca hadal uu gudoomiye Ciro ka yidhi xaflad balaadhan oo bulsho ku soo biirtay uu ka jeediyey wax ka yar bilo ka hor, waxa uu gudoomiyuhu ina yidhi “Inta uu madaxweynuhu sii joogo ana waan sii joogayaa” hadalkaas oo ahaa mid ku wajiahnaa mud-kordhin loo sameeyo madaxweyne Siilaanyo, waxa uu inagu tusay sida uu gudoomiyaha Waddani mudnaan ugu lee yahay kursi xiligiisii dhacay oo uu ku horjoogo mid kale oo isna kordhsi-doon ah.

Waxa la filayey in marka gudida doorashooyinku cayinto xiliga doorasho dhici karto in sidoo kale hogaanka Waddani isna cayimo shirweynihiisii, halkaana kaga guuro Golaha Wakiilada, isagoo u guuraya hogaan mucaaridnimo oo xisbi Waddani ah, meeshana ka saaro laba dega.

Hase ahaatee hogaanka Waddani waxa sida muuqata uu faraska gudoomiyenimo Golaha Wakiilada ee u jaraysnaa ilaa xiligii UDUB ugu taagan yahay sida ay Waddani hogaankiisa iyo taageerayaashiisu isku qanciyeen in sii fadhiga kursi mudho 5 sano ah dhaafay xiligiisii uu haatana gaadhsiin karo guul tii horeba ka weyn oo ah in ay isku hortaagaan xukumada Siilaanyo iyo xusbigeeda garabka mudo- kordhinta isku diyaariyey, waana qiyaas ay ka qaadanayaan tii ay isla soo mareen xulifadii ay ahaayeen Kulmiye xili UDUB daboolka saartay in xisbiyo kale soo baxaan.

Arinta aynu kor ku soo sheegnay waa mid ka jawaabaysa su’aasha haddana soo noqnoqonaysa ee leh – ‘maxaa ku dhajiey kursiga gudoomiyaha baarlamanka mudane C/raxman Cirro haddii uu doonayo in uu doorasho galo, miyuu badka isa soo dhigo oo inta uu iskaga dago kursiga mucaarid buura ah noqdo?’ Si kale haddii aynu u dhigno – haddii uu xisbiga Waddani yahay mid miisaan culus oo mucaaradeed leh, maxaa hogaankiisa gabood uga dhigay kuris mudadiisii dhacday, oo haatana loo tafo xaydan yahay in dib loogu loo lamo marka doorasho la helo, maadaama aanu hungir kaga jirin oo uu inoo sheegay in uu madaxweyne in uu noqdo hankiisu yahay.

Hees dhawaan ku soo beegantay xili gulfka siyaasadeed ee xukumada Kulmiye iyo xisbiga Waddani isla dul jiidheen shacbiga Reer Burco, ayaa erayadeed ku ka mid ahaayeen “Hankaagu ha dhaafo reer hebel…” xantuna ku raacday Waddani heestu, hase ahaatee taa waxa ka culus arinka ah laba degga uu ku jiro hogaanka Waddani oo aan u arko in aanay heestu ahayn mid lagu dabiqi karo shaqsiyan, balse la odhan karo ‘Hankaagu ha dhaafo laba haadlaynta’

Talaabada noocaas ah ee in uu uban-boxo mucaaridnimadu waa mid iyadna hawsheeda leh, waana ta muujisay sawirka halka ay wax ka khaldan yihiin xisbiga Waddani oo gudoomiyihiisu xilal badnidu u muuqato in uu yoolku ka baahay. Baahsanaantani, sidoo kale waxay ku soo jeedisay indho badan oo aan ku eegayn oo kali ah hogaan xusbiga Waddani, waana sobobta markii uu dhawaan Turkey-ga socdaal aan hore loo shaacin ugu baxay bulshadu dhago iyo indho dheeraada ula raacday, waayo masabka uu sido ayaa qayb ka yahay mid mulshadu wada leedahay, balse ka xisbigu yahay mid u gooni noqon kara, bulshaduna dabcan kula wada socon, sida dumuquraadiyadu ina farayso.

Laakiin haddii aynu ku sii durugno sii faalaqaynta, gudoomiye Cirro, hadda gudoomiyaha Wakiilada ayaan sheegayaay’e, waxa aan su’aashan ah in uu xilka baarlamanka ka tago oo u gacan banaanaado ka Waddani aan weydiiyey xili aanu ururkii Waddani noqon xusbi wali, doorashona uu haybsanayey, jawaabtii uu gudoomiye C/raxman i siiyey xiligaa waa mid uu ku saleeyey dhanka sharciga, waxaanu iigu jawaabay “Wax sharci ah oo ii diidayaa ma jiro in aan labadaba isku hay”

Jawaabta noocaas ah ee mudane Cirro isiiyey xili uu rajo ka qabay in ururkiisii xisbi noqdo, dabcan macquul ayey iila eekayd oo lama garan karin in uu raaci lahaa dariiqii kuwii kale ee ururnimo soo dhaafi kari waayey oo kale, sidoo kalena waxa muuqatay in xiligaa tunka ay ku siday xisbi mucaaridnimada looga dambeeyo oo Kulmiye ah oo sidaan hore u soo sheegay heshiis wada la haayeen, hase ahaatee imika oo uu taagan yahay xisbi mucaarid ah  halkii Kulmiye meel u eeg, waa ta wali bulshadu la yaaban tahay waxa uu dhan iskugu lugo duwan waayey.

Xaalada noocaas ah ee hogaanka xisbiga Waddani waa mid dhalisay aragtiyo lid ku ah fursadihiisa xisbino ee darajo mucaarideed oo ku hagi kari lahaa mucaafidnimo uu ku soo boxo. Ta kale ee xisbiga Waddani waxa ay tani saartay su’aalo aan wali loo hayn jawaabtooda oo soo bixi kara xili dalka siyaasadiisu gasho heer ka kulul ka imika, sii fadhiga goluhuna waa mid si weyn uga hor imanaysaa dooda uu qabo ee  ah looma kordhin karo xukumada Kulmiye, waayo isagii baa kordh ku sii fadhiya!

Markase  aan soo duubo qormadan,  gudoomiyaha Waddani waxa muuqata in uu  islee yahay ama buur noqo ama buur ku tiirsanow- balse buurta uu ku tiirsan yahay ee xilka gudoomiyenimo ee Wakiilada mudo dhaafay iyo xulifaysiga Madasha Wadatashiga – taas oo ah in xisbiga Waddani dhana ka ilaashado kursiga gudoomiyenimada ee golaha wakiilada, dhana isu muujiyo in uu diyaar u yahay doorasho isagoo aan haddana isagu wali isa soo dooran dhexdiisa, nidaamkana aan soo marin musharaxii ku hagi la’ahaa doorashada uu dhana uga guuxayo.

Waxaanse ku soo afmeeri in uu oogan  yahay dareen ku tiraabaya ‘labada kursi mid uun ku hagaag  oo mid uun ku habdhabo’

 

 

Afeef: C/laahi Maxamed Cali  oo qorayWP_20150326_11_43_21_Pro maqaalkani waa saxafi aan xisbi iyo urur siyaasadee mina aan gaar u taageerin, isla markaana ka dhex ah siyaasada Somaliland, balse ka faalooda arimaha oogan. Wixii maqaalo jawaab ah ama fikir ah ku soo hagaaji editor@cabays.com

 

 

Halkan Hoose ka Daawo wareysi C/laahi la yeeshay gudoomiye xiligii uu ururka ahaa Waddani iyo su’aasha wali taagan ee labada xil.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

………………………

.

 

Xusbiga Wadani waa

 

 

COMMENTS