CABAYS.COM
“Ilaalo Gaar Ah Ayaan Lahaan Jiray Maantana Cunto Kariye Ayaan Ahay”
April 23, 2019 - Written by Cabays

CabaysNairobi (Cabays Media)– Muxyadiin Cambar Khamiis oo ay da’diisu tahay 60-dameeyo wuxuu ahaa ciyaartooy hore oo kooxa badan oo dalka Soomaaliya ka jiray u soo ciyaaray kooxahaasi oo ay ka mid aheed xulkii qaranka xiligii Kacaanka.

Haddana wuxuu ku sugan yahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya isaga oo howlihi ciyaaraha iska joojiyey daruufo jiro awgood, wuxuuna hadda noolal maalmeedkiisa uu ka raadsadaa cunta karinta iyada oo xafladaha sida aroosyada, matiqaadyada, iwm ah looga yeedho si uu cuntooyinka ugu kariyo.

Muxyadiin oo u warramay wariyaha BBC-da Xasan Shekh Cumar ayaa wuxuu uga warbixiyey waayihiisa noolaleed ee ciyaaraha iyo xaaladda uu hadda ku sugan yahay.

Waxaanna uu Muxyaddiin sheegay “inuu ciyaaraha uu ku billaabay naadiga waxool oo loo yaqaannay wasaaradda xannaanada xoolaha dhirta iyo daaqa sanadka markuu ahaa 1977-kii, 1978-kiina uu ka mid noqday xulki loo xulayey gobolka Banaadir ee magaalada Muqdisho, xilligaasina ay galeen kaalinti labaad ee ciyaarihi gobollada .”

“1980-kIina waxaaan ka mid noqday xulkii qaranka Soomaaliyeed oo markaa tababara ay noo ahaayeen macallin jarmal ah iyo allaha u naxariistee Macallin Cumar Canjeeste, 1980-kii haddana waxaan ka mid noqday oo dib la iigu soo celiyey kooxda xulka qaranka ee Junior-ka oo aan kabtan ka noqday kuna guuleysannay koobka loo dhigay bariga iyo bartmaha Afrika” ayuu yidhi.

Muxyaddiin Cambar Khamiis isaga oo ka mid ah xulka qaranka ee Soomaaliya wuxuu ka soo ciyaaray tartamo caalami ah oo lagu soo qabtay waddamo badan.

Tartannada caalamiga ah uu ka qayb galay isaga oo dalkiisa matalaya wuxuuna Muxyaddiin uu ka dhaxlay magac iyo sumcad aad u weyn inuu ku yeesha dalka gudahiisa balse, nasiib darro waxaa riyooyinkiisa kala dhantaalay dagaalladi sokeeya ee dalka Soomaaliya ka dhacay wuxuuna u soo qaxay dalka Kenya oo Soomaali badan oo qoxooti ah ay ku sugan yihiin.

_106544795_1

COMMENTS