CABAYS.COM
Iscasilida wasiirada xukumada Siilaanyo maxaa soo dedejiey iyo badalkoodii oo la bilaabay
October 26, 2015 - Written by Cabays

Cabays

 

Cabays Media:-

 

Waxa si rasmiga ah u soo shaacay baxay heerka khilaafka iyo colaada xukumada iyo xisbiga Kulmiye dhexdiisa oo haatan gaadhay heer saamayn weyn ku yeesha dawladnimada Somaliland.

Khilaafka gaamuray oo keeenay in tiradii ugu badnayd abid Somaliland gole wasiiro oo mar kali ah is casilaa ayaa waxa xilkii ka tagey 10 wasiir iyo ku xigeeno iskugu jira. Waxa khilaafka sii huriyey kadib markii habeenkii xalay (Isniintii) madaxweyne Siilaanyo oo uu weheliyo wiilka uu sodoga u yahay iyo marwadiisa Aamina-Waris ay shir gooni ah la yeeshaan wasiirada ka soo jeeda deegaamada madaxweyne Siilaanyo kuna war galiyeen in ay taageeraan gudoomiye Muuse Cabdi haddii kalena ay xilka iska tiriyaan.

Wasiirka madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ka mid ahaa wasiiradii shirka fadhiyey ayaa la sheegay in uu ka dhex ka cay isla markaana si badheedh ah u diiday in uu aqbalo soo jeedinta Siilaanyo, waxaanu madaxweynaha dib u weydiiyey in taageerista Muuse tahay amar iyo soo jeedin mid ahaan, waxaanu madaxweyne Siilaanyo kaga hawaabay in uu soo jeedinayo in sidaa la yeelo oo aan laga hor iman musharaxnimada Muuse Biixi.

Hase ahaatee Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa goobta ka sheegay cida uu taageersan yahay oo ah musharax Maxamed Biixi Yoonis, wasiirkii Arimaha Dibada oo isna ka mid ah wasiirada xilka iska casilay, hadalka wasiir Xirsi iyo qaabka deg dega ah ee uu uga jawaabay waxa xoog uga xanaaqaday marwada madaxweynaha Somaliland, Aamina-waris.

Markii muu Xirsi ka hor yimid soo jeedinta madaxweyne Siilaanyo ee taageerista Muuse Biixi waxa Cabays Media loo xaqijiyey in uu hadalku ka taag-taagnaaday Xirsi iyo Baashe Cumar oo ka xanaaqay qaabka uu Xirsi u jawaabay iyo marwo Aamina- Waris oo hadalkii madaxweyne Siilaano xoojisay iyadoo la sheegay in ay tidhi “Waa khasab in aad taageertaan Muuse, ciddii taageeri weydna iyadoo og halkay joogayso” waas sida uu sheegay wasiir ka mid ah wasiirada beesha madaxweyne Siilaanyo ee xalay kula shiray madaxtooyada, kuwaas oo badi madax u ruxay in ay taageeran Muuse Biixi Cabdi, balse ay madaxweynaha ku kala tageen in mudo 2 cisho ah kaga soo jawaabaan didmada ama yeelista soo jeedinta Siilaanyo oo ku salaysan aragti qoys.

Kulankaa qaab beeleed-ka u dhacay ka socow, waxa sidoo kale garabkiii wasiirada taageera Maxamed Biixi Yoonis  ee aan ahayn beesha madaxweynaha ayaa sidoo kale lagu war galiyey in ay sidoo kale taageeraan gudoomiye Muuse Biixi Cabdi ama xilka tiriyaan. Waana tan keentay in iscasilid mowjad ahi ka dhacdo golihii xukumada ee uu hogaaminayey madaxweyne Siilaanyo.

“Waxa lagugu yidhi RRU iyo militari ayaa dalka lagu xukumayaa haddii la doone taageera Muuse ama dibada uga baxa xukumada” Sidaa waxa yidhi wasiir ka mid ah wasiirada aan wali iscasilin oo Cabays Media khadka telefoonka kula xidhiidhay, balse sheegay in uu is casilayo inkastoo madaxweynuhu buu yidhi u qabtay 2 cisho in aan kaga fikirno.

resign

 

 

 

 

 

 

Marwada madaxweynaha oo todobaadkan ku soo baxday liis uu gudoomiye Muuse Biixi Cabdi ku soo daray golaha dhexe ee xisbiga Kulniye iyada iyo wiilka ay sodohda u tahay Baashe Cumar, ayaa xaqiijisay dhanka ay taageersan yihiin qoyska madaxtooyada oo hore loogu muransanaa dhanka ay taageerayaan  dhinacyada loolamaya oo la og yahay in madaxweyne Siilaanyo aanu ku jirin loolanka xisbaga sobobo la xidhiidha arimo caafimaad, inkastoo marka wax laga weydiiyo uu ku jawaabo hadal isku mid ah oo ah “Ha la gaadho xiligeeda”

Bishii ugu dambaysay ayaa la sheegay in uu xumaaday xidhiidhka wasiirka madaxtooyada, Xirsi iyo qoyska madaxtooyada, siiba Baashe Cumar oo isagu Muuse Biixi la safan, isla markaana ay ku murmeen Baashe iyo Xirsi oo isagu ka badheedhay mowqoifkiisa. Mudadii ay joogeen London horaantii bishan Oktoobar ayaa Cabays Media loo xaqiijiyey in fiintu ka dhex miranaysay Xirsi iyo qoyska madaxtooyada, intii ay joogeen London, marna ma wada hadlin, meesha kali ah ee ay ku kulmeena wax ay ahayd xafladii jaaliyada ee 17.10.2015 oo sida muuqatay wajiga ayna isa siinayn Baashe iyo Xirsi oo wakhtiyadii hore goonu wada fadhiisan jiray.

Madaxweyne Siilaanyo oo la sheegay in uu markii hore daacad ka ahaa in uu dhex noqodo ayaa la badalay intii uu London ka soo laabtay, hadalkii uu ka jeediyey Hargeysa markuu soo gaadhay ayaa ahaa mid ka niyad ah sida ilo ku dhadhow qoyska madaxtooyadu Cabays Media u xaqiijiyeen.

Xubanaha wasiirada ee xilka ka degay ayaa la sheegay in madaxtooyadu amartay in la joojiyo dhaqdhaqaaqyadooda. isla markaana aan loo ogolaana in ay ka soo xaadiraan xafiisyadooda.

Sidoo kale waxa caawa fiidkii la diiday in wasiirkii madaxtooyada ee is casilay Xirsi uu Burco u boxo isagoo laga soo celiyey control-ka, waxa kale oo la sheegay in ilaaladii iyo gaadhigii madaxtooyada ee uu wadan jiray laga reebay.

Ficilka laba dhan ee kala raacay Muuse Biixi ee madaxtooyada iyo kuwa is casilay ayaa hadda isku badalay waji cusub oo ka ficil celin ah talaabooyinkii ugu dambeeyey ilaa xalay (Isniintii).

Hase ahaatee qoyska madaxtooyada ee cadaystay in ay taageeraan, una muquumiyaan gudoomiye Muuse Biixi Cabdi garabkii la tartamayey  iyo iscasilaada ay ku kaceen wariirada iyo kux-goono wax ay sii dhidibtay khilaafka laga gubi laahay ee xisbiga Kulmiye ee ku saabsan musharaxnimada doorashada Somaliland ee sanadka 2017-ka.

Badalka wasiirada iyo xubnaha kale ee iscasilay

Wararka soo gaadhaya Cabays Media ee ka imanaya ilo ku dhadhow madaxtooyada ayaa sheegaya in durba la ururiyey liistada xubnihii badali lahaa wasiirada iscasilay qaarkood. Waxa ilo ku dhadhow madaxtooyada Somaliland sheegeen in caawaba (Salaasa) laga yaabo in la magacaabo buuxinta wasiirada iscasilay kuwooda ugu muhiimsan.

Yaa lagu badalayaa kuwa iscasilay?

Wasiirka madaxtooyada oo loo badlayo in uu noqdo wasiirka duulista iyo hawada , Maxamuud Cabadi Xaashi, halka wasiirka arimaha dibad la sheegay in uu noqonayo nin cusub oo la yidhaa Maxamed Cali Bile oo la sheegay in uu ka soo jeedo beesha guud ee wasiirkii hore, inkastoo uu magaalada London caawa la sheegay in uu ka ambo baxay wasiirkii hore xilkiisa ugu waayey taageeradii uu siiyey gudoomiye Muuse Biixi, waa Dr. Maxamed C/laahi oo la sheegay in lagala soo xidhiidhay Hargeysa loona sheegay in uu si deg deg ah uga soo boxo London.

Bixitaankiisa ayaa lagu mucneeyey in dib loogu celinayo xilkii wasiirka Arimaha Dibada, inkastoo aan si rasmi ah loo ogayn ujeeda uu u baxay.

Wasiirka arimaha gudaha Cali Warancade  ayaa la sheegayaa in loo badalyo Duulista iyo Hawada, halkiisiina wasiirkii hore ee arimaha gudaha xiligii xukumadii UDUB , C/laahi Cirro oo badalaya hadlkii Maxamed Biixi baneeyey. Sidoo kale warar Hargeysa aad u dhex socda ayaa waxa ka mid ah in Gudoomiyhii wargeyska Hubaal, Maxamed Jaamac, Caloolay in isna wasiir ku xigeen laga dhigayo si loogu buuxiyo halkii uu baneeyey Maxamed Biixi Yoonis.

Sidoo kale waxa wararka laga helayo ilo ku dhadhow madaxtooyada sheegayaan in wasiirkii wasaarada Cadaalada Xuseen Cabdi Caydiid ayaa la filayaa in uu badalo Maxamed Ibrahim Qabo oo ku magacaabnaa la taliyaha arimaha doorashooyinka ee madaxweyne Siilaanyo. Maxamed  Qabo ayaa xidhiidh dhow la leh qoyska madaxtooyada ilaa inti uu noqday la taliye, waxaanu ka mid yahay garabka gudoomiye Muuse Biixi taageersan.

Ilaa hadda ayaa waraka ka imanay madaxtooyada ayaa sheegaya in ay aad u mashquulsan tahay madaxtooyadu, iyadoo la sheegay in loolakan badalka xubnaha xilka baneeyey laga dareemayo.

La soco wararkan wixii ka soo kaordha.

 

Cabays Media – Hargeysa staff

COMMENTS