CABAYS.COM
Israa’iil Oo Duqeysay Deegaanka Qaaza Si Gaar Ahna U Bartilmaameedsatay Xafiis Turkigu Ku Lahaa Deegaankaasi
May 5, 2019 - Written by Cabays

Gaza (Cabays Media)- Israa’iil iyo mintidiinta reer Falasdhiin ee ka hawlgala marinka Qasa ayaa mid waliba xoojiyay weerarka uu ku hayo dhanka kale, waana markii ugu horreysay oo gantaalo aad u tiro badan ay weydaarsadaan.

Mintidiinta reer Falasdhiin ayaa tan iyo shalay oo Sabti ahayd in kabadan 430 gantaal waxa ay ku tuureen gudaha Israa’iil.

Arrintaasi ayaa waxa ay sababtay in Israa’iil ay adeegsato awood oo cirka iyo dhulkuba ay ka duqeyso deegaannada ku yaal dhulka reer Falasdhiin. Israa’iil waxa ay sheegtay in inta badan gantaaladaasi uu qabtay qalabkeeda difaaca gantaalada balse hal nin uu ka dhintay.

Firirka gantaalada ka imaanaya dhanka Qasa ayaa waxaa ku dhintay hal qof oo Israa’iili ah, halka rasaasta Israa’iil ay galaafatay nolasha afar qof oo reer Falasdhiin ah oo ay ku jirto haweeney iyo gabar yar oo ay dhashay, sida ay sheegayaan mas’uuliyiinta Qasa.

Hase yeeshee, Israa’iil ayaa sheegtay in haweeneydaasi iyo gabadheeda ay ku dhinteen gantaal ay soo direen mintidiinta reer Falasdhiin, kaasi oo ku dhacay meel ka sokeysa bartilmaameedkiisa.

Rabshadahan cusub ayaa yimid ka dib xabbad joojin ay dhiancyadan ku heshiiyeen ka hor doorashadii Israa’iil ka dhacay bishii Abriil.

Afar qof oo reer Falasdhiin ah oo ay ku jiraan laba ka mid ah dagaalyahannada ururka Xamaas ayaa Jimcihii la soo dhaafay la dilay ka dib markii laba askari oo ka tirsan milatariga Israa’iil lagu dhaawacay weerar toogasho ah.

Rabshadahan ayaa ka dhigan in colaadda u dhaxeysa Israa’iil iyo kooxaha reer Falasdhiin ay sii xoogeysanayso, inkastoo ay jiraan dedaallo ay wadaan Masar iyo Qaramada Midoobey, kuwaasi oo looga gol-leeyahay sidii xabbad joojin waarta loo dhex dhigi lahaa labadan dhinac.

COMMENTS