CABAYS.COM
Jamaal Baaxad Oo Caarre Ka Soo Goostay
December 22, 2018 - Written by Cabays

Cabays.Media (Sanaag)

Jamaal Baaxad Oo Caarre Ka Soo Goostay
Guddoomiyaha Gobolka Sanaag Iyo Madaxda Ciidammada Kala Duwan Ee Gobolka Sanaag Ayaa Tuulada Bohol oo qiyaastii 63Km dhinaca Koonfureed kaga beegan degmada Ceelafweyn Ee Gobolka Sanaag, waxa ay ku qaabbileen Islamarkaana Kulammo Kula Qaateen Taliye Gamaal Baaxad Iyo Jiif-Caaqil Maxamuud Nuux Maxammed oo ka soo laabtay kooxda Kornayl Caarre hoggaamiyo.

kulankaas ayaa ku soo dhammaaday jawi isfaham sida ay wararkau sheegayaan, iyada oo maalmahan soo socdana taliye gamaal, caaqilka iyo ciidan ay wataanba munaasibad soo-dhowayn ah loogu qabandoono gobolka Sanaag, islamarkaana ay si rasmi ah u hoos iman doonaan xukuumadda somaliland.

Taliyahan ayaa hore uga tirsana ciidanka Qaranka Somaliland waxaanu markii dambe ku biiray kooxda uu samaystay Kornayl Caarre ee fadhigeedu yahay Puntland lamana oga in arrintani xidhiidh la leedahay socdaal Madaxweyne Biixi dhawaan ku tagay gobolka Sanaag.

 

COMMENTS